
Ciidamada Ciraaq oo Dagaal kula wareegay inta badan Magaalada Ramaadi
Khubarada ayaa halkaasi waxa ay ka baarayaan in dagaalyahanada IS ay ku aaseen waxyaabaha qarxa si ay ugu dhibaateeyaan ciidamada Dowladda Ciraaq ee halkaasi la wareegay.
Saraakiisha Millateriga Ciraaq, ayaa sheegay shalay gelinkii dambe inay wax ka dhiman yihiin xilliga sida rasmiga ah loo shaacinaayo in guu dhaan Magaalada Ramaadi ay gacanta ugu jirto ciidamada Dowladda.
Qaar ka mid ah saraakiisha Ciraaq ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in sababtu ay tahay iyadoo ay weli magaalada ku sugan yihiin dad ismaadaamiyeyaal ah iyo kuwa shiishka wanaagsan ee meelaha fog-fog dadka ka soo toogta, weli ay jiraan qeybo maleeshiyada ISIS magaalada ka sugan yihiin.
Ciidamadii Daacish ee Magaalada laga saaray ayaa la sheegayaa inay intooda badan ku sugan yihiin Daafaha Magaalada ayna wadaan abaabul dagaal oo ku aadan dib u qabsashada Magaalada Dagaalka looga saaray.
Ciidamada Ciraaq oo Dagaal kula wareegay inta badan Magaalada Ramaadi
Millateriga dalka Ciraaq ayaa shaaca ka qaaday inay la wareegeen inta badan Magaalada Ramaadi ee dalka Ciraaq oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen ciidamada Millateriga Ciraaq iyo Ururka ISIS.