
Dowladda Uganda oo diyaaradaheeda dagaalka u soo diraysa Soomaaliya.
Uganda ayaa shaacisay qorshayaasha ku aadan in ciidamo dhinaca cirka ah ay u soo dirto Soomaaliya horaanta sanadka soo socda si ay u dar dargaliso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Saraakiil Militeriga Uganda ka tirsan ayaa sheegay in qorshahaan
lagala shaqeen doono xukuumada dalka iyo midowga Afrika oo mas’uuliyad
ay ka saaran tahay howlgalka AMISOM oo dhul balaaran loogala wareegay
Al-Shabaab.
Uganda ayaa carabowday in qorshaha dhinaca cirka ay ku jiri doonto diyaaradaha shixnadaha qaada,kuwa khumaatiga u kaca iyo kuwa deg dega si ay u taageraan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo ka kala socda wadamada Burundi, Jabuti, Kenya iyo Itoobiya.
Dhanka kale Uganda waxaa ka jooda Soomaaliya ciidamo aad u fara badan , kuwaasi oo qeyb ka ah ciidama Afrikaan ah oo la dagaalamaya Al-Shabaab.



0 


Dowladda Uganda oo diyaaradaheeda dagaalka u soo diraysa Soomaaliya.
Uganda ayaa shaacisay qorshayaasha ku aadan in ciidamo dhinaca cirka ah ay u soo dirto Soomaaliya horaanta sanadka soo socda si ay u dar dargaliso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.