Kulan Diimeedkii Lixaad ee Jaaliyada Somalida K/Afrika oo ka Furmay Johannesburg{SAWIRRO}

0
Saturday December 26, 2015 - 19:40:32 in Wararka by
  • Visits: 1334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Diimeedkii Lixaad ee Jaaliyada Somalida K/Afrika oo ka Furmay Johannesburg{SAWIRRO}

    Shir diimeedkan lixaad ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa ka furmay Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kaasoo ay soo qaban-qaabiyeen golaha culumada ee Al-Bayaan ee Koonfur Afrika sannad walbana la qabto xiligaan loo qabto,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir diimeedkan lixaad ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa ka furmay Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kaasoo ay soo qaban-qaabiyeen golaha culumada ee Al-Bayaan ee Koonfur Afrika sannad walbana la qabto xiligaan loo qabto, ayaa lagu qaban doonaa sagaalka gobal ee Koonfur Afrika ay ka kooban tahay waxaana thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

sanadkaan lagu marti-qaaday mashaa’iikh kala ah; Sh. Maxamed Idriis Axmed, Sheekh Suldaan, Inj. Cabdiqani Qorane, Sheekh. Dr. Cismaan Cali Faarax, Sheekh Bashiir Yuusuf Shiil, Sheekh. Dr. Axmed-weli Sh. Muxummad iyo Sh. Dr. Yuusuf Maxamed Xuseen.

Furitaanka kulan diimeedkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubno safaarada Soomaaliya ka tirsan oo uu hoggaaminayay sii-hayaha safiirka, Maxamed Cali Mire (Nabadoon), ururrada jaaliyadda, culumada, ganacsatada, aqoon-yahannada, ardayda, dhallinyarada iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Shir-diimeedkaan lixaad, Sheekh Shariif Abuukar Afeey iyo xubin ka tirsan Aas-aasayaasha golaha culummada Soomaalida ee Al-Bayaan ee Koonfur Afrika , Sheekh Qorane Cabdi Maxamed oo kulankan furay ayaa culummada uga timid waddamo kala duwan ee adduunka uga mahad-celiyay imaatinkooda iyo ajiibidda ay soo ajiibeen kala soo qayb-galka kulan diimeedkaan lixaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

Sidoo kale, sii-hayaha safiirka safaarada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, Maxamed Cali Mire oo khudbad ka jeediyay kulankaan ayaa ugu horreyntii u mahad-celiyay golaha culumada Soomaaliyeed ee Al-Bayaan ee iyagu shirkaan soo abaabulay, wuxuu sidoo kale si weyn u soo dhaweeyay culumada ka kala yimid dalalka caalamka si ay ugu faa'iideeyaan bulshada Soomaaliyeed, Intaas kaddib wuxuu qaybaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee goobta joogay ku boorriyay in culumada ugu yaraan ay ka faa'iideystaan hal shay; lagana fogaado waxyaabaha dhaqan-xumada ku ah diinta Islaamka.

Dhanka kale, guddoomiyaha Jaaliyadda - Somali Community Board - Caamir Sheekh iyo guddoomiyaha jaaliyadda SASA, C/raxmaan Raabbi oo iyaguna furitaanka kulanka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in culumada si aan kala qaybsanaan laheyn loogu soo dhaweeyay xilligaan, waxayna xuseen in culummada aan la soo dhaweyn oo keliya ee ay tahay in laga faa'iideysto, wixii shirka ka dambeeyana la sii wado Midnimada iyo Isku-xirnaanshaha ka muuqda kulanka.

Sh. Maxamed Idiris Axmed oo ka qaybgalka kulanka uga yimid Mareykanka ayaa sheegay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ay heystaan nimco ALLE uu ku galla-deystay oo aysan qabin qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku kala firirsan Caalamka oo dhan, nimcadaasoo uu ku tilmaamay inaysan jirin cid si gaar ah u raac raacda howlahooda shaqo, wuxuuna ku baraarujiyay inay fahamka Diinta ka qaataan culummada halkan u yimid inay bulshadoda uga faa'iideeyaan aqoonta diinta Islaamka.

Ugu dambeyn, munaasabada furtaanka kulan diimeedkaan ayaa lagu sheegay in shirkan uu socon doono illaa 05-ta bisha Jnanaayo ee sanadka soo socda 2016-ka, uuna ka dhici doono gobalada kala duwan ee Koonfur Afrika; iyadoo uu shirkan kusoo beegmayo xilli Koonfur Afrika looga dabal-dagayo ciida masiixiga, lagana cabsi-qabo in dhallinyaro fara badan oo Soomaliyeed ay ku hun-goobaan.
XIGASHO:- HIIRAAN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip