
Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo beeniyay in la mamnuucay indha shareerka
Mr Maqaney ayaa sheegay in warkaas aanu aheyn go’aan wada jir ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka, isla markaana aanay waxba ka jirin.
"Waxaa dadweynaha Gobolka Shabeellaha Dhexe uga cudur daarayaa hadalka ka soo yeeray Agaasimaha Warfaafinta ee ah in la mamnuucay indha shareerka, arrintaas waa waxba kama jiraan, ma ahan go’aan uu qaatay maamulka, waxayna aheyd arrin qalad ah”ayuu yiri Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ku simaha ayaa sidoo kale sheegay in hadii arrin amni ay tahay ay quseyso laamaha amniga, hase ahaatee waxaa uu meesha ka saaray in gebi ahaanba la mamnuucay indha shareerka ay haweenka xirtaan.
"Anaga dad islaam ah ayaa nahay, indha shareerka wax la joojiyay ma lahan, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe wuxuu howl shaqo ugu maqan yahay magaalada Muqdisho, aniga hada Kusimaha ah, warkaas waa arrin lagu fududaaday, waana lagula xisaabtamayaa agaasimaha warkaas”ayuu mar kale yiri Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Magaalada Jowhar ayaa lagu wadaa in dhowaan lagu qabto shirka maamul u sameynta ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana magaalada ka socday diyaar garow, olole nadaafadeed iyo howlo lagu sugayay amniga.


0 



Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo beeniyay in la mamnuucay indha shareerka
Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Sheekh Abuukar Cali Maqaney ayaa beeniyay warar sheegaya in Maamulka Gobolka uu mamnuucay qaadashada Indha shareerka, xilli maamulka uu isu diyaarinayo marti gelinta shirka maamul u sameynta Hiiraan iy