Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu baaqay shacabka inay amniga kala shaqeeyaan

0
Saturday December 26, 2015 - 15:24:15 in Wararka by
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu baaqay shacabka inay amniga kala shaqeeyaan

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Muqdisho inay kala shaqeeyaan ammaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Muqdisho inay kala shaqeeyaan ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu shacabka kula dar daarmay inay laamaha amniga kala shaqeeyaan sidii amniga wax looga qaban lahaa.

"Amni hadaa la helin wax badan ma hagaagayaan, waxaa ugu baaqayaa shacabka inay amniga ka shaqeeyaan, iska kaashadaan, hey’adaha amniga gobolka banaadir si dhow arrintan loogala shaqeeyo, si amniga gacan bir loogu qabto”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in cid kasta oo falalka amni daro abuureysa in gacanta lagu qabto, isla markaana ay gacmaha is qabsadaan sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dhowaan ay rajeynayaan in dadka ku dhaqan gobolka Banaadir ay soo doortaan cidii ay doonaan, taasoo uu tilmaamay in waxyaabaha lagu heli karo ay ka mid tahay xaqiijinta amniga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip