Al-Shabaab oo sheegay in Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ku dileen Gobolka Xeebta

0
Saturday December 26, 2015 - 15:21:44 in Wararka by
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo sheegay in Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ku dileen Gobolka Xeebta

    Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay weeraro ay ka geysteen gobolka xeebta ah ee Kenya ku dileen askar iyo sarkaal ka tirsan Booliska Kenya, iyadoo maalmihii u dambeeyay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab weeraro dhaba-gal ah ku qaadayeen kolonyo ciidan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay weeraro ay ka geysteen gobolka xeebta ah ee Kenya ku dileen askar iyo sarkaal ka tirsan Booliska Kenya, iyadoo maalmihii u dambeeyay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab weeraro dhaba-gal ah ku qaadayeen kolonyo ciidan.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weeraradaas oo isugu jiray qaraxyo iyo kuwo toos ah ay la beegsadeen ciidanka Kenya, isla markaana khasaare ku gaarsiiyeen.

Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas uu ka dhacay deegaanka Witu ee Jaziirada Lamu, waxaana uu tilmaamay inay ku dileen sarkaal ka tirsan booliska Kenya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in gaadiid ka tirsan ciidanka booliska Kenya ku gubeen, markii qarax la beegsadeen sida uu yiri.

Saraakiisha Kenya ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah saraakiisha Booliska lagu dilay weerarka.Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay weerarada ay ka geysanayeen gudaha Kenya, waxaana deegaanada gobolka xeebta ay ahaayeen halka ay weerarada uga badan ka geysanayeen.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip