Taliyaha Ciidanka xoogga dalka iyo Wafdi uu hogaaminaaya oo booqanaya magaalada Kismaayo.
S/Gaas Maxamed Aaden Axmed Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka J/Hoose halkaasi oo ay kulan kula leeyihiin Madaxda maamulka Jubbaland.
Taliyaha ayaa la filayaa in marka ay u soo gabo gabowdo kulamada uu la yeelanayo Madaxda Jubbaland uu socdaal ku tegi doono xeryaha ay ku jiraan ciidamada isku dhafka ah ee lagu tababbarayo Kismaayo, kuwaasi oo uu eegi doono xaaladda ay ku shaqeeyaan.
Dhanka kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo wafdiga la socda ayaa inta ay ku sugan yihiin Kismaayo waxay sidoo kale kulan la yeelan doonaan saraakiisha ciidamada xoogga dalka ka howlgallada Gobolka Jubbada Hoose.

0 