dagaal aan waxba la iskula harin oo ka dhacay dalka Ciraaq

0
Saturday December 26, 2015 - 14:03:02 in Wararka by
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    dagaal aan waxba la iskula harin oo ka dhacay dalka Ciraaq

    Dagaallo geystay qasaarooyin lixaad leh ayaa ka dhacay magaalooyinka ka tirsan dalka Ciraaq, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda Ciraaq oo kaashanaya kuwa Mareykanka iyo dagaalyahanada kooxda khilaafada Islaamka ee Daacish.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo geystay qasaarooyin lixaad leh ayaa ka dhacay magaalooyinka ka tirsan dalka Ciraaq, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda Ciraaq oo kaashanaya kuwa Mareykanka iyo dagaalyahanada kooxda khilaafada Islaamka ee Daacish. Telefishanka Aljazeera oo toos u duubay dagaalkaasi, iyadoo ciidamada Dowladda Ciraaq ay weerareen fariisimaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada kooxda IS, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal aan waxba la iskula harin oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ayaa burburiyay saldhigyada kooxda Daacish, iyadoo dagaalka dhulkana uu socday muddo 20-saacadood ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka shalay ka dhacay magaalada Ramadi ee dalka Ciraaq ay ku geeriyoodeen 17-ruux oo labada dhinac ah, iyadoo goobaha lagu dagaalamayay ay isaga barakaceen gebi ahaanba dadkii degenaa.

Dhinaca kale waxay intaasi raacinayaan in dagaallo kale ay ka dhaceen magaalooyinka Tikrid iyo Faluja, halkaasi oo ay isku fara saareen ciidamada huwanta ah iyo dagaalyahanada kooxda Daacish.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip