Madaxweynaha Turkiga oo badbaadiyay nin doonaayay inuu isdilo (SAWIRRO)

0
Saturday December 26, 2015 - 12:33:21 in Wararka by
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Turkiga oo badbaadiyay nin doonaayay inuu isdilo (SAWIRRO)

    Madaxweynaha dalka TurkigaRecep Erdogan ayaa bad-baadiyay muwaadin u dhashay dalkaasi oo doonaayay inuu isdilo, kadib markii Kolonyo galbinaysay Madaxweynaha ay la kulmeen Ninkaasi. Ninkaan ayaa doonaayay inuu iska tuuro Buundo dheer, kadibna uu ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka TurkigaRecep Erdogan ayaa bad-baadiyay muwaadin u dhashay dalkaasi oo doonaayay inuu isdilo, kadib markii Kolonyo galbinaysay Madaxweynaha ay la kulmeen Ninkaasi. Ninkaan ayaa doonaayay inuu iska tuuro Buundo dheer, kadibna uu bada isku tuuro, balse Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa ka codsaday inuu isdilin. Ilaalada gaarka ah ee MadaxweyneRecep Erdogan, ayaa ka degay Baabuurkii uu Madaxweynaha saarnaa, kadibna waxa ay soo kaxeeyeen oo ay soo wadeen ninkii doonaayay inuu isdilo. Lama oga sababta ninkaasi uu u doorbiday inuu isdilo, hayeeshe markii uu dalab kaga yimid MadaxwyeneRecep Erdogan oo uu kaga codsaday inuu isdilin, ayuu aqbalay dalabkaasi.

Sawiro laga soo qaaday Xilliga badbaadada ay dhaceysay ayaa muujinaayay qaar ka mid ah Ilaalada Madaxweynaha oo garbaha haaya ninka la badbaadiyay, isaga oo ugu dambeyn loo keenay Madaxweyne Erdogan oo taleefoonkiisa gacanta ku hadlaayo.

Tallaabada Madaxweynaha dalka Turkiga uu ku bad-baadiyay muwaadinkaasi u dhashay dalka Turkiga ayaa muujinaysa in Madaxweynaha uu yahay mid jecel shacabkiisa, aadna ugu naxariista.

Turkiga 1 Turkiga 2Turkiga 4 Turkiga 5

Turkiga 3





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip