
NKAISSERY: Kala Qayb-samidda Al-shabaab waa Natiijo ka dhalatay Howlgalka Ciidanka AMISOM
"Dhab
ahaan Al-shabaab waxay u qaybsan tahay laba garab, garab ka mid ah
wuxuu taageeraa Al-Qaacida iyo ISIS, taasina waa muujinayso in fursad
weyn ay jirto. Kala-qaybsanaantuna waa in dhaqan cusub ay la yimaadaan,”
ayuu Joseph hadalkiisa ku daray.
Sidoo kale, taliyaha booliiska Kenya, Joseph Boinnet ayaa khamiistii sheegay in kooxda taageersan ISIS ee horay uga tirsanaa Al-shabaab ay ku sugan yihiin meel ku dhow xuduudda Somalia iyo Kenya, halkaasoo ay weerarro ka geysteen.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa ugu baaqay xukuumadda Kenya inay si dhow isha ugu haysto xubnaha loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Kooxda ISIS ku biirtay ee Al-shabaab ka tirsanaan jiray.
Al-shabaab ayaa sannadkan dhammaanaya waxay weerarro kala duwan oo uu dhiig-badan ku daatay ka geysteen deegaannada xeebta Kenya ku yaalla, halkaaso ay ku laayeen shacab fara badan oo Kenyan ah iyo ciidammo.
Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha gudaha Kenya, ayaa xusay inay dadaal badan ku bixin doonaan sidii shacabka ku nool deegaannada xeebta dalka Kenya ay u heli lahaayeen nabadgalyo buuxda.


0 


NKAISSERY: Kala Qayb-samidda Al-shabaab waa Natiijo ka dhalatay Howlgalka Ciidanka AMISOM
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay in kala qaybsanaanta soo dhex-gashay Al-shabaab ay tahay guul laga gaaray howlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM].