
Mid kamid ah hogaamiyaha mucaaradka Siiriya oo lagu diley duqeyn
Kooxda uu hogaamiyo Alloush ayaa waxaa taageera Sacudi Carabiya waxana ay gacanta ku haysaa bariga magaalada Dimishiq.
Ururka Jaysh al-Islam ayaa ku biirey kooxaha mucaaradka oo ku kulmay magaalada Riyadh kuwaasoo ku gaaray heshiis ah in wadahadalo la galo dowlada.
Sida uu sheegay taleefishinka al-Arabiya madaxda Jaysh al-Islam ayaa kulan uu ugaga socday bariga magaalada Dimishiq waxana goobta uu kulanku ka socday lagu garaacay toban gantaal.
Madaxweynaha dalka Siiriya Assad ayaa u aqoonsan kooxda Jaysh al-Islam in ay tahay argagaxiso.
Hase yeeshee ururkan ayaa iska caabiyay ururka IS oo weeraro ku soo qaaday deegaanada ay ka taliyaan.
Duqeyntan lagu diley hogaamiyaha ururka Jeysh al-Islam ayaa la sheegayaa in ay ka dambeeyeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka.


0 



Mid kamid ah hogaamiyaha mucaaradka Siiriya oo lagu diley duqeyn
Hogaamiye kooxda Jaysh al-Islam oo ka ka mid ah kooxaha mucaaradka dalka Siiriya iyo qaar kamid ah ku xigeenadiisa ayaa ku dhintey duqeyn loo geystey bariga magaalada Dimishiq.