
Beesha Caalamka oo doonaysa inay Somalia ka dhacdo 2016-ka hab doorasho oo meel dhexaad ah
Arrimaha Wel-welka leh waxay kala yihiin:
1. Habka awood qaysiga ee 4.5-ka, waa inuusan weli sii ahaan halbeega ugu muhimsan oo lagu saleeyo siyaasadeed dalka. Inkastoo ay taasi jirto, haddana waxaa loo baahan yahay in la xaqiijiyo in isku dheelli-tirnaanta beelaha inay weli sii jirto. Tani waxay u baahan tahay in la adeegsado nidaam doorasho oo kulminaya arrimaha kala duwan ee metelaadda iyo in la sii wado in kuraasta baarlamaanka lagu qaybsado habka awood qaysiga 4.5, si loo billaabo in laga gudbo habka beelaha.

2. Xisbiyada siyaasadda waxay gacan ka geysanayaan in la abuuro baarlamaan aad u xasilloon. Si loogu dhaqaaqo dhanka sameynta nidaam doorasho oo ku dhisan xisbiyo siyaasadeed, habka doorasho waa inuu ururrada siyaasadda u abuuro kaalin loogu gudbo doorasho dadweyne. Tanina waxay gacan ka geysan kartaa in la abuuro baarlamaan xasilloon muddada 2016-ka illaa 2020-ka.
3. In la dhiso ergooyin doorasho oo ka tarjunta degmooyinka waa inay horumariso isla-xisaabtan dhexmara xildhibaanada iyo deegaanada laga soo doorto.
4. Maaml-goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya waxay asaas u yihiin Somalia oo federaal ah. Tani waxay u baahan tahay inay ka muuqato go’aaminta baaxadda ergooyinka doorashada ee u dhiganta tirada metelaadda ay maamul-goboleedyada federaalku ku yeelanayaan baarlamaanka cusub.
Beesha Caalamka oo doonaysa inay Somalia ka dhacdo 2016-ka hab doorasho oo meel dhexaad ah
Iyadoo wada-tashiyadii lala yeeshay qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ay kasoo baxeen inaysan jirin hal nooc oo doorasho ah; ayaa arrintan waxay u baahan tahay in la isla qaato la islana hirgeliyo hab doorasho oo soo wada koobaysa afarta no