
Muslimiin rakaab ahaa oo bad baadiyay Masiixiyiin la saarnaa gaarigii bas ah
Koox Muslimiin Kenyan ah ee la socday gaariga rakaabka ahaa oo ay weerareen dabley hubeysan looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa diiday in Masxiiyiintii la saarnaa in gooni loo sooco.
Qaar ka mid ah dadkan oo la hadlay warbaahinta gudaha Kenya ayaa sheegay in dableydii hubeysneyd ay ka diideen in koox koox loo kala sooco muslimiintii gaariga saarneyd.
"Waxaan ku dhahnay na dila dhamaanteen, ama na daaya”ayuu yiri mid ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa gaariga baska ah ee la weeraray.
Illaa labo ruux ayaa ku dhintay weerarkaas, halka saddex kale ku dhaawacmeen, markii dableyda hubeysan ay rasaas ku fureen gaariga, kadib markii darawalka ka dhega adeegay inuu gaariga joojiyo joojiyo.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarka ka dambeeyeen, iyagoo dhowr jeer oo hore weeraro xiriir ka fuliyay gudaha Kenya.
Sanadkii hore ayay aheyd markii gaari bas ah oo ay la socdeen Masiixiyiin u safrayay magaalada Nairobi lagu dilay duleedka Mandhera, waxaana intii gaariga saarnaa oo u badnaa masiixiyiin ayaa inta la soocay la toogtay.
Muslimiin rakaab ahaa oo bad baadiyay Masiixiyiin la saarnaa gaarigii bas ah
Muslimiin Rakaab ahaa oo la socday gaari bas ah oo marayay duleedka degmada Mandhera ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa bad baadiyay Masxiiyiin la saarnaa gaariga. Dhacdadan ayaa noqotay hadal heynta ugu badan ee Warbaahinta Kenya, iyagoo wargeysy