Madaxweynaha Puntland oo shacabka Gaalkacyo ugu baaqay inay adkeeyaan heshiiskii Nabadda

0
Sunday December 20, 2015 - 11:07:27 in Wararka by
  • Visits: 589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo shacabka Gaalkacyo ugu baaqay inay adkeeyaan heshiiskii Nabadda

    Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Gaalkacyo ee dhex maray Maamulada Puntland iyo Galmudug, kadib dagaalo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Gaalkacyo ee dhex maray Maamulada Puntland iyo Galmudug, kadib dagaalo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada bishii la soo dhaafay. Dr. C/wali Gaas ayaa sheegay in shacabka ku nool Gaalkacyo laga doonayo inay dhowraan heshiiska, isla markaana ay ka shaqeeyaan nabada iyo horumarka magaalada.

"Heshiisku waa Ukun, Ukunna waxaa loo baahan yahay in la ilaaliyo oo meel fiican la dhigo hadii la tuuro wey jabeysaa, waxaan Reer Gaalkacyo ugu baaqayaa in ay ka shaqeyaan Nabadda iyo Ilaalinta wada daganaanshaha Gobolka Mudug”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas oo maalin ka hor dib ugu laabtay Gaalkacyo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/wali Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa heshiis nabadeed oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid gaaray 2-dii bishan, kadib markii la soo afjaray dagaalo ciidamada labada maamul u dhaxeeyay, oo sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo bur bur hantiyadeed.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa caadi ku soo laabatay, iyadoo dadkii ka barakacay ay dib ugu soo laabteen, waxaa dib u bilowday ganacsigii, isu socodkii iyo is dhex galka labada bulsho ee wada dega waqooyi iyo koofur, waxaana dadka Gaalkacyo ay yihiin wiil iyo abtigii.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip