
Saraakiil Caddaan ah oo baaritaano ku sameeyay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)
Ciidamada Dowladda, ayaa muddo saacado ah xiray waddada mashquulka badan, taasoo dad badan oo gaadiid watay ku khasabtay in saacado ku xannibnaa waddadaasi.
Dhanka kale ugu yaraan saddex qof, ayaa ku dhimatay qaraxaasi, halka 19 kalana ay ku dhaawacantay. Isbitaalka Madiina waxaa la gaarsiiyay 19 qof oo sida la sheegay ku dhaawacantay qaraxaasi.
Duniya Maxamed Cali, Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Madiina, ayaa waxay xaqiijisay in loo keenay 19 ruux, iyadoo 13 ka mid ah sheegtay in la seexiyay, kuwaa oo laba ka mid ihi ay xaaladoodu culus tahay, sida ay tiri.
Qaraxan, ayaa sidoo kale sababay burbur soo gaaray goobaha ganacsi ee ku yaala waddadaasi. Carwada Alkowthar oo kale waxaa soo gaaray burbur, halka Carwooyinka kale ee ku dhow dhowna ay muraayadihii ka daateen.
Ururka Al Shabaab oo dagaal adag kula jira Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa uu sheegtay masuuliyadda qaraxii xoogganaa, ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Al Shabaab, ayaa waxay sheegatay in qaraxaasi ay la beegsatay Saraakiil Ciidamada Dowladda ka tirsan, dibna ay ka soo faah faahin doonaan.
Magaalada Muqdisho,ayaa waxaa ku soo noq noqday qaraxyada ceynkani oo kala ah, kuwaa oo waxyeelada ugu badan ay ka soo gaarto dadka rayidka ah.
Saraakiil Caddaan ah oo baaritaano ku sameeyay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)
Saraakiil Caddaan ah oo ka tirsan Saraakiisha Reer Galbeedka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa waxayshalay galab gaareen Wadada Maka Al Mukarama, oo uu ka dhacay qarax miino oo ka dhashay gaari nooca raaxada ah. Goobjoogayaal, ayaa sheegay in g