Xildhibaan Faatax Saciid Xasan oo ku guuleystay kursi ka banaanaa Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu doortay.
Doorashada kursigaan ka banaanaa Golaha Shacabka ayaa waxaa hore u hareeyay buuq iyo dagaal kaasi oo sababay in mar uu baaqdo kadib dagaal ay sameeyen xubno kamid ah ergada doorshada.
Ka hor doorshadaan ayaa waxaa is casilay inuu ka qeyb galo musharax Cabdiraxmaan Axmed ceynaan mar uu la hadlay warbaahinta ayuu sheegay in xubno kamid ah eragdiisa laga badashay ismaalrkaana gudiga doorashada aysan sameynin cadaalad.
Intaasi kadib ayaa waxaa la qabtay doorashada kursiga ka banaanaay golaha shacabka kaasi oo lahaa beelaha soomalaha gobalda waqooyi kasoo jeeda.
Waxaana goobta doorashada kaligiusa fadhiyay musharax Faatix Siciid Xasan isagoona markii dambe kusoo baxay doorashada.
Xaliima Ismaaciil Ibraahim oo ah gudoomiyaah gudiga doorashooyinka madaxa banaan ayaa sheegtay in Faatax uu ku guuleystay codad dhan 32 halka musharaxa banaan jooga ahaa uu helay halka afar codna ay ciladoobeen sidaasna ay ergada ku ahaayeen 41-qof.
Faatix Siciid Hasan oo ah musharaxa guuleystay ayaa ah wiil uu dhalay xildhibaanki kursigaan ka geeriyoday sanadki hore.