WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 21-KA FEBARAAYO 2018-KA
Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ka dalabaday madaxda DFS in ay dib u dhis ku sameeyaan goobahaasi Taariikhiga ah, si ay uga qeyb qaataan bilicda magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
KHAYRE OO MAGACAABAY MADAXA ISKU XIRKA DEEQAHA
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Muxumed Xuseen Axmed u magacaabay Madaxa Unugga Isku Xirka Deeqaha, kaas oo ka shaqeyn doona arrimaha la xiriira Deeqaha.
Mudane Maxumed Xuseen Axmed ayaa ah khabiir wax ka badan 10 sano ka soo shaqeeyay Arrimaha Gargaarka, isagoo la soo shaqeeyay inta badan Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Bani’aadanimada sida ku cad CVgiisa oo nuqul ka mid ah la helay.
Unugan Isku Xirka Deeqaha (Aid coordination unit Acu) oo muddo soo jiray ayaa u taagan taabba gellinta iyo socod siinta hannaanka fullinta qorshaha Qaranka, waa isku xiraha deeqaha iyo taabba gellinta hannaan ay ku wada hadlaan Soomaaliada iyo deeq bixiyayaasha, kaas oo ka caawiya Dowladda hannaanka qorshaha Qaranka sida arrimaha xog ururinta iyo loojistikada.
Sidoo kale Unugan Isku Xirka Deeqaha wuxuu qaban qaabiyaa shirar kala duwan oo qorshaha Qaranka lagu taabba geliyo sida Hannaanka Wadaagga ee Soomaaliya ( Somalia Partnership Forum), Sanduuqa dib u diska Soomaaliya ( SDRF) iyo Shirarka Tiirarka (Pillars)
Uga dambeyn Unugan Isku Xirka Deeqaha ayaa Sidoo kale Dawladda waxuu ka caawiyaa isku xirka hay’adda dawladda & Gobolada iyo Daba galka Dhaqdhaqaha Deeqaha (Aid Mapping Exercise).
HIRSHABELLE OO WADA QORSHE AY DIB UGU FURAYSO DAKADDA CEELMACAAN
KHAYRE OO MAGACAABAY MADAXA ISKU XIRKA DEEQAHA Ra'iisul
Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Muxumed Xuseen Axmed u
magacaabay Madaxa Unugga Isku Xirka Deeqaha, kaas oo ka shaqeyn doona arrimaha
la xiriira Deeqaha. Mudane
Maxumed Xuseen Axmed ayaa ah khabiir wax ka badan 10 sano ka soo shaqeeyay
Arrimaha Gargaarka, isagoo la soo shaqeeyay inta badan Hay’adaha ka shaqeeya
Arrimaha Bani’aadanimada sida ku cad CVgiisa oo nuqul ka mid ah la helay. Unugan
Isku Xirka Deeqaha (Aid coordination unit Acu) oo muddo soo jiray ayaa u taagan
taabba gellinta iyo socod siinta hannaanka fullinta qorshaha Qaranka, waa isku
xiraha deeqaha iyo taabba gellinta hannaan ay ku wada hadlaan Soomaaliada iyo
deeq bixiyayaasha, kaas oo ka caawiya Dowladda hannaanka qorshaha Qaranka sida
arrimaha xog ururinta iyo loojistikada. Sidoo
kale Unugan Isku Xirka Deeqaha wuxuu qaban qaabiyaa shirar kala duwan oo
qorshaha Qaranka lagu taabba geliyo sida Hannaanka Wadaagga ee Soomaaliya (
Somalia Partnership Forum), Sanduuqa dib u diska Soomaaliya ( SDRF) iyo
Shirarka Tiirarka (Pillars) Uga
dambeyn Unugan Isku Xirka Deeqaha ayaa Sidoo kale Dawladda waxuu ka caawiyaa
isku xirka hay’adda dawladda & Gobolada iyo Daba galka Dhaqdhaqaha Deeqaha
(Aid Mapping Exercise).
Xildhibaan C/rashiid C/xakiin Warsame oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka maa mulka Hirshabelle ayaa sheegay, in ay ku howlan yihiin ka maamul ahaan sidii dekaddaasi u shaqeyn lahayd, si shacabka Hirshabeelle uga faa’ideystaan.
Dhanka kale, Xildhibaanka ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad ugu qaldaneyd kordhinta canshuurta dekadda Muqdisho, waa sida uu hadalka u dhigaye.
"Annaga waan qorsheyneynaa in dib u shaqo gelinno dekadda Ceelmacaan oo muddo badan dadka Soomaaliyeed ku soo meelmareen, dhanka kale waxaan ka xumahay in ganacsata da gobolka Banaadir lagu kordhiyo Canshuur, xilli aanay dalka jirin canshuur mideysan” ayuu yiri xildhibaanka.
Deegaanka Ceelmacaan ayaa qiyaas ahaan 30 KM dhanka bari ka xiga magaalada Muqd isho, waxaana horey halkaasi ugu taallay dekad macmal ah oo sanado badan dalka wax looga soo dejin jiray.
Dowladda Somaliya ayaa qarashaad badan waxa ay ku soo rogtay ganacsatada Gobolka Banaadir, waxayna taasi keentay in ganacsatada ay sameeyaan shaqo joojin.
DAB KHASAARO NAFEED GEYSTAY OO KA KACAY YAAQSHIID
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab khasaaro Nafeed iyo mid Hantiyadeed geystay oo Barqanimadii shalay ka kacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa ka kacay Garaash ku yaalla Xaafadda Carafaad ee degmadaasi.
Waxaana la sheegay in uu ka dhashay Dabkaasi qalabka loo iscticmaalo alxanka Gawaar ida.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay Dabkaasi, waxaana uu sheegay in ku dhintay mid ka mid ah howlwadeenada Garaaskaasi.
BOKO HARAM OO WEERARTAY ISKUUL GABDHO WAX KU BARTAAN
Gabdho iskuuley ah iyo macllimiin ayaa waqooyi bari ee dalka Nigeria ka baxsaday weerar ay kooxda Boko Haram ku qaadeen iskuul ah kuwa la seexdo, sida ay ay sheegeen goob joogayaal.
Goobjoogayaasah ayaa sheegay in Isniintii mintidiinta wata gawaari ay yimaadeen magaa lada Dapchi, oo ku taalla gobolka Yobe, halkaasi oo rasaas ay ku fireen ayna dhigeen qaraxyo.
Shaqaalaha iskuulka iyo ardayda oo maqlay shanqarta ayay u suuragashay in ay goobta ka baxsadaan.
Bishii April 2014, kooxda Boko Haram ayaa waxay 270 gabdhood ka afduubteen iskuul ku yaalla magaalada Chibok ee wuqooyi bari Nigeria.
Dadka degaanka Dapchi ayaa waxay sheegeen in ay rumaysan yihiin in Boko Haram ay qorshaynayeen in ay afduubtaan gabdhaha iskuulka ay weerareen.
Markii ay dagaalyahanada Boko Haram ogaadeen in iskuulka aysan cidna joogin ayaa wa xa ay dhaceen waxyaabihii yaallay halkaasi.
Ciidamada Nigeria oo kashanaya diyaaradaha militariga ayaa markii dambe dib u riixay mal eeshiyaadkan Boko Haram.
MADAXDA DOWLADA DHEXE IYO KUWA MAAMUL GOBOLEEDYADA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA NABADOON AXMED DIIRIYE
Iyadoo uu Habaeen hore maga alada muqdisho ku geeriyooday Allah u naxariistee nabad oon Axmed diiriye cali oo kamid ahaa Odaaysha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed kuwa ugu Caansan ayaa waxaa geeridaasi ka tacsiyadeeyay Madaxda dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Goboledyada qaar.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Nabaddoon Axmed Diiriye Cali.
"Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, Waxaan uga tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed geerida Nabadoon Axmed Diiriye oo habeen hore ku geeriyoday Muqdisho. ilaahay ha u naxa riisto nabadoonka, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay ayaa alagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha Somalia.
Sidoo kale reysulwasaaraha xukuumada Somalia xasan cali kheyre ayaa dhankisa ka tacsi yeyay geerida ku timid Nabadoonka waxaana uu rabi uga baryay Naxariista Janno.
Axmed ducaale geele xaaf madaxweynaha maamulka Galmudug oo la hadlay idaacda kul miye ayaa tilmaamay in Axmed diiriye uu ahaa nabad u dhaxeeyay umada Somaaliyeed uuna ka qeybqaatay nabadeynta dalka uuna shacabka soopmaliyed uga tacsiyadeuynayo Geeridaasi.
Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Craxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in dhamaan shacabka soomaaliyeed gaarahaan ehelada marxuumka uu la wada agayo xanuunka geerida Allah u naxariisteen nabadoon Axmed diiriye.INAALILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
WASAARADDA DASTUURKA KOOFUR GALBEEDKA OO XIRIIRKA U JARTAY WASAARADDA DASTUURKA FEDERAALKA
Wasaaradda Dastuurka ee maamulka Koofur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in xiriirkii ay la lahaayeen Wasaaradda Dastuurka dowladda Federaalka, kaddib war qoraal ah oo ka soo ba xay Xafiiska Wasiirka Dastuurka Koofur Galbeed C/llaahi Sheekh Xasan.
Qoraalka ka soo baxay Wasiir C/llaahi Sheekh Xasan ayaa lagu sheegay in dafiraad weyn loo geystay Wasaaradda Dastuurka Koofur Galbeed, isla markaana uu dafiraadaas ka dambe eyay Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Sidoo kale dafiraadaasi ayaa lagu macneeyay in ay timid, kadib markii booqasho la filayay in Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya oo ay qeyb ka ahaayeen Guddiyada Dastuurka labada gole ay ku tagi lahaayeen Baydhabo ay baaqatay, isla markaana aan Wasaaradda Dastuurka lagu soo wargelin.
Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Guddiyada Dastuurka ayaa safaro ku kala bixinayay deegaanada maamul goboleedyada, kaasoo la xiriira sidii wadatashi loogu soo sameyn lahaa Dastuurka, lalana kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada deegaanka.
UNICEF: HAL MALYAN OO CARRUUR AH AYAA GEERIYOOTA MAALINTA AY DHASHAAN SANAD WALBA
Warbixin ay soo saartay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Caruurta ee UNICEF ay aa lagu sheegay in sanad walba ay dhintaan hal malyan oo carruur ah isla maalinta ay dhashaan dalka Soomaaliyana uu ka mid ah afarta dal ee ugu dhimashada badan leh caalamka ee ay caruurta sanad walba ku dhintaan.
Afarta dal ee ugu badan ee sanad walba ay ku dhintaan caruurta ayaa ah wadamada Paki stan,Jamhuuriyada Afrikada Dhexe (CAR),Afghanistan iyo Somaliya.
Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in 1.6million oo caruur ah ay dhintaan inta aysan dhamaysan bisha ugu horeeysa noloshooda.
In kabadan boqolkiiba siddeetan caruurtan geeriyoota ayaa waxa ay isugu jiraan qaar bilo dhamays aan ahayn,kuwo cuduro aan la garan ku dhaca iyoweliba caabuq sida lagu sheegay warbixinta shalay ay soo saartay UNICEF.
Hase yeeshee warbixinta ayaa lagu sheegay in loogaga hortagi karay geerida caruurta in la helo daryeel caafimaad,nafaqo iyo weliba biyo nadiif ah.
Wadanka Pakistan ayaa 22kii carruur ah ee dhasha uu mid kamid ah hal bil jirsan,halka wadanka Jamhuriyada Bartamaha Afrika 24kii ilmood ee dhasha uu mid ka mid ah geeriyoodo bisha ugu horeysa.
Sidoo kale wadanka Afghanistan ayaa 25kii caruur ahba uumid ka mid ah geeriyooday iy adoo wadanka Soomaaliya oo kaalinta afaraad warbixintan ka galay ay 26kii carruur ah ee dha shaba uu mid geeriyoodo bisha ugu horeysa.
Hase yeeshee dalka Japan ayaa warbixintan lagu sheegay inuu yahay wadanka ugu tirada yar leh ee ay caruurtu geeriyoodaan halka wadamada Iceland,Singabore iyo Finland ay ku soo xigaan.
SHEEKH SHAAKIR”INTA AAN LA GAARIN 2020 AYAAN DEEGAANADA GALMUDUG KA SAAREYNAA SHABAAB”
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in shirkii looga hadlayay arrimaha Amniga ee ka socday dhusamareeb lagu soo qaaday xorreynta deegaanada Maamulkaas.
Waxa uu sheegay in deegaanada Galmudug intooda ugu badan ay yihiin kuwo Amni ah laa kin deeganada yar oo ay AlShabaab ku sugan yihiin,isla markaana Shacabka looga baahan yahay taageero siiyaan Ciidamada si looga saaro.
Waxa uu sheegay in uu ku dhiiragelinayo Ciidamada Galmudug in ay ilaaliyaan Amniga Shacabka Galmudug.
Hadalkaan ayaa Madaxa Xukuumadda Galmudug wax auu ka jeediyay shirka Amniga Galmudug oo Shalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb.
HAWEENKA SOOMAALIDA EE KU NOOL DALKA DENMARK OO LA SHEEGAY IN AY KU ADAGTAHAY BARASHADA LUUQADA DALKAAS
Qaar ka mid ah dumarka Soomaalida Denmark, ayaa la sheegay ineey qabeen xaflad ay ugu dabaal dagayeen urur ay leeyihiin sanad guuradiisa.
Telefeyshinka dalkaas ayaa weriye ka tirsan joogay goobta. Waxaana barnaamij uu ka diy aariyey warbixin ku saabsan kulankaas oo uu sheegay in haweenkii halkaasi iskugu yimid intooda badankooda ay joogeen dalkaasi ku dhawaad labbaatan sanno. Balse uu farta ku fiiqay in eysan garaneyn afka deenishka ama eeysan baran iska daa jaamacado ay aadaane.
Dhacdadan ayaa hadda noqotay mida loogu hadal heyn badan yahay baraha bulshadda. Loona arko ceeb dad muddo intaas la eg dalka joogay oo loo tarjumayo afka
WASIIRO IYO HAY’ADDA SANDUUQA HORUMARINTA SDF AYAA SOON GAADHEY MAGAALADA LAASCAANOOD
Weftigan ayaa waxaa safarkooda lagu sheegay in uu ku wajahan yahay Waxqabadka Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF oo hawlo badan ka wadey sanadihii la soo dhaafay ka wadey magaalada Laascaanood.
Weftigan ayaa waxay soo mareen dugsiga hoyga Laascaanood oo qaybo dhismayaal ah iyo qoditaanka biyo, waxa kale oo at tageen Isbitaalka guud ee Laascaanood oo hayaddani bala adhisay.
Wasiir ku xigeenkaW Qorshaynta Eng. Xusseen Buuni oo goobaha uu marayey dadka iyo warbaahinta kula jadlayey ayaa waxaa uu safqrkooda kaga warbixiyey in ay arkaan wixii qabsoomay wixii had a socdana sidii loo dhamaystiri lahaa, waxaanu ka Mahad celiyey soo dhoweyntii, waxaanu balan qaaday waxqabad.
Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre oo meelaha ay tagaan ka warbixinayey ayaa waxa uu sheegay in waxqabadka mashaariicdan ay uga Mahad hayaan Xisbiga Kulmiye iyo madacweyneheedii Siilaanyo.
Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF ayaa sadex mashruuc oo muhiim ah ka wadey Laascaanood iyadoo lagu guulaystey laba ka mid ah oo kala ah dugsiga Hoyga iyo isbitaalka Laascaanood halka aan weli wax muuqda laga arag biyo nolosha Ku haboonaan kara taas oo dadku any isweydiinayaan.
HAWEENKA SOOMAALIDA EE KU NOOL DALKA DENMARK OO LA SHEEGAY IN AY KU ADAGTAHAY BARASHADA LUUQADA DALKAAS
Qaar ka mid ah dumarka Soomaalida Denmark, ayaa la sheegay ineey qabeen xaflad ay ugu dabaal dagayeen urur ay leeyihiin sanad guuradiisa.
Telefeyshinka dalkaas ayaa weriye ka tirsan joogay goobta. Waxaana barnaamij uu ka diy aariyey warbixin ku saabsan kulankaas oo uu sheegay in haweenkii halkaasi iskugu yimid intooda badankooda ay joogeen dalkaasi ku dhawaad labbaatan sanno. Balse uu farta ku fiiqay in eysan garaneyn afka deenishka ama eeysan baran iska daa jaamacado ay aadaane.
Dhacdadan ayaa hadda noqotay mida loogu hadal heyn badan yahay baraha bulshadda. Loona arko ceeb dad muddo intaas la eg dalka jogay oo loo tarjumayo afka
MAXAKAMADDA CQS OO XUKUNTAY EEDEYSANIHII DILAY TALIYIHII CIIDAMADDA BADDA
Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa shalayxukun Dil ah ku Xukuntay G/sare Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo horey u dilaySareeye Guuto Saciido aadan Yuusuf (Mariino) Ex, Abaanduulihii Ciidamada Badda.
Maxkamadda ayaa 10kii bishaan dhageysatay dacwadda G/sare C/nasir Xoosh.
Qareenka U doodayay eedeeysanaha ayaa isna dhankiisa sheegay in eeysan diidaneen dilka balse badalkeed uu sheegay in uu jeclaan lahaa in eedeysanaha loo naxariisto oo uu bixiyo Diyo dhameystiran
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa iyana sheegay in ey tahay taariikhda markiii ugu horreysay oo dil bareer ah loo geysto Gen, waxa eyna garsoorka ka dalbadeen in dil toogasho ah lagu fuliyo eede ysane Col, Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo ah eedeysanaha loo heysto dilka Gen, Saciid Aadan Yuusuf (Mariino).
Shalayayay Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ay ku dhawaaqday Xukunka lagu rid ay G/sare Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo horey u dilay Sareeye Guuto Saciido aadan Yuu suf (Mariino) Ex, Abaanduulihii Ciidamada Badda.
GANACSATO MAAMULKA HIRSHABEELE SALDHIGA JOWHAR UGU XERNAA OO XABSIGA LAGA SII DAAYAY.
Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeele ayaa waxaa shalay laga sii daayay in kabadan 15 kamid ah Ganacsatada xoolaha ee magaaladaasi oo shalay xabsiga la dhigay kadib markii la sheegay in ay Alshabaab la soo kulmeen.
Sii deeynta ragani oo tiradoodu gaareyso 17 ganacsato ka shaqeeya Xoolaha nool ayaa tim id kadib dedaalo badan oo ay bixiyaan ehelada dadka xernaa iyo qar kamid ah mas’uuliyiinta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
inta la sii deyn kahor ayaa la tilmaamay in Saraakiisha Booliska ee Maamulka Hirshabeele ay raga xernaa la yeesheen wareysiyo dheer oo lagu weeydiinayo sababta ku kaliftay in ay Alsha baab ugu tagaan deegaan dhowr KM u jira Magaalada Jowhariyo Waxyaabaha lagala soo had lay.
ugu danbeyn ayay shalay ehelada dadkaasi iyo Mas’uuliyiinta Mamulka Hirshabele iyo Kan Gobolka Shabeelaha Dhexe ku guuleysteen in xabsiga laga sii daayo.
MADAXWEYNE BIIXI"36SANO KA HOR SHALAY OO KALE DHALLINYARADA REER SOMALILAND WAXA AY U AHAYD MAALIN MADOW
Somaliland ayaa shalay si weyn looga xusay maalinta dhalinyaradda Somaliland oo sanad kasta bisha February 20 keeda laga xuso dalka.
Munaasibadan waxa ka soo qaybgallay madaxweynaha Somaliland, wasiirka Dhalinyarad da, maayarka caasimadda, dallada dhalinyaradda ee SONYO iyo dhalinyaro faro badan.
Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyey barnaamijyo horumarineed oo ay ugu tallogaleen horumarinta Dhalinyaradda,isla markaana xoogga la saari doonno sidii dhalinyaradda loo xoojin lahaa.
"36sano ka hor shalay oo kale dhallinyarada reer Somaliland waxa ay u ahayd maalin mad ow, maalintaas oo ahayd mid xanuun badan oo ay ku jireen halgan ay dhagax kala hortegayaan Taagni iyo Beebee, dhallinyaradii Somaliland joogtay waxa ay u ahayd maalin dhiigoodu daatay oo ay dagaal noociisu ku cusub yahay dunida oo aan hore loo arag ay galeen oo bilaabeen, lam ana arag odayaal dhuunta iyo Aabeyaal dhuunta oo carruurtooda dagaalka kusii daaya oo Hooya doodna daba cararayso, haddii aan sidaas la yeelin oo aan dhiggaas loo hurinna shalay farxad dan iyo jawigan kumaynaan joogneen.”ayuu yidhi Biixi oo ka sheekaynayey sababta maalintan loogu aqoonsaday maalinta dhalinyaradda.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray, "Adduunyada ma jirto halgan, horumar iyo taariikh aan nafta loo hurini, dadkana Ilaahay baa u kala abuuray oo qaar baa lagu hanuuniyaa inay nafta u huraan oo ay dhibaatada u qaataan inuu dadkoodu hore u ma ro, marka guusha la gaadhana inta badan dheefta laga badsado, haddii aan dadka noocaas ahi jir ina inta badan dunidu hore uma marteen.”
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in shalay dhalinyaraddu ay ku jiraan duruufo nololeed oo adag oo ay ugu horeyso shaqo la’aan, waxaanu sheegay inay Akoonno lacag loogu shubayo sidii dhalinyarada loo hourmarinayo, waxaanu yidhi "Xukuumad ahaan waxaanu furnay Akoonkii dhal linyarada Somaliland hore loogu marinayey, waxaana aanu ku shubnay lacag dhan laba Bilyan iyo Badh Somaliland shilling ah, guddidii maamuli lahayd waanu abuuraynaa oo aanu eegi doono ama ka dhex abuuri doonno cidda kasoo qaybgasha, sidaas darteed ganacsatada ayaan aad u dhiirrinayaa oo haddii aanay qaybtooda ka qaadanin dhallinyarada halka aynu la doonayno gaadhi mayso.”.
Waxa kale oo uu sheegay in akoono kale oo waxbarashada lagu tayeynayo samaynayaan si ardaydu u helaan buugaag bilaash ah.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in saddex bilood ka dib uu mushaharkii wasiiradda uu had da saxeexay, waxaanu yidhi "Wasiirrada shalay ayaan u saxeexay mushaharkoodii ugu horreey ey, gunno iyo faakihaysina daa, wasiirka waa in ay hudheelladu lacag badan kusoo dallacdaan oo uu kadeedmaa, si ay dadkiisu u arkaan inuu dalkiisa u shaqaynayo oo aan loogu qaadan in wasii rrada iyo madaxweynenimadu tahay meel laga tanaado inta kalena ku bakhtido, maya taas yeeli mayno, waxaynu u baahanahay in la xisaabtamo.”
Maalinta dhalinyaradda ayaa loo gartay inay noqoto February 20,1982 oo ahayd maalin ay dhalinyaro ka gadooday urur aqoonyahano oo la odhan jirey Uffo la xidhxidhay, taas oo ardaydii dugsiyada sare dhagxaan kaga hor tageen ciidanka xukuumaddii Siyaad Bare, waxaana ku dhin tay wiil dhalinyaro ah, waxaana maalintaasi loo yaqaan maalinta dhagax tuurka dhalinyaradda.
RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO KULAN SOO DHAWAYN AH LA QAATAY MUWAADINIIN SOOMAALIYEED OO KA SOO LAABTAY LIIBIYA.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay kulan soo dhawayn iyo dhiirigalin ah hooygiisa ugu sameeyay dad tahriibayaal ah oo go’ aan saday in ay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo, Kuwaas oo ay xukuumaddu ka soo qaaday dalka Liibiya.
Ra’iisul Wasaare Khayre Waxaa kulanka qaddada ah Ku waheliyay Wasiiradda Wasaara daha Amnigga, Arrimaha Gudaha, Dastuurka, Wasiir dawlaha Wasaaradda Gaashaandigga Soomaaliya.
Soo dhawayn Ka dib Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhalinyaradda ka dhagaystay warbixin Ku saabsan dhibaatooyinkii ay kala kulmayn Xabsiyadda iyo gudaha dalka Liibiya iyo sidda loogu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed dalka dibadiisa. Iyagooona madaxdii ka soo qabgashay kulanka ka codsadayn in ay ka caawiyaan sidii loo xalin lahaa cabashooyinkooda gaarka ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ugu horayn muwaadiniintan Ku soo dhawayay dalkooda hooyo. Waxuuna u balan qaaday in uu xalindoono waxkasta oo ay ka cabanayaan, isagoona sheegay in uu horay u sameeyay guddi ka shaqayndoono xaladda dadka ka soo laabanaya dalka Liibiya, si loogu abuuro fursado Shaqo, Waxbarasho iyo kuwo Caaf imaad.
"Waxaan qorshaynay in aan qayb qayb usoo qaadno dhammaan dhibanayaasha Soomaal iyeed ee joogo Liibiya iyo guud ahaan dalka dibadiisa. Waxaana farxad wayn noo ah in aan aragno shacabkeena oo dib ugu soo laabanaya dalkooda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay dhalinyaradda Soo maaliyeed in ay ku kalsoonaadaan dalkooda, iskana dhaafaan tahriibka wadamada shisheye. Isagoona cadeeyay in aysan jirin meel u dhaanta dalkooda Soomaaliya.
WHO AYAA KA DIGTAY SARA U KACA KIISASKA JADEECADA EE QAARADDA YURUB
Carruurta aan la talaalin ayaa halis ugu jirto jadeecada Qaaradda Yurub ayaa waja heysa kor u kac ku yimid kiisaska cudurka Jadeecada illaa iyo sanadkii 2017kii, taasoo Hey'adda Caafimaadka Adduunka ay ku sheegtay masiibo.
Kiisaska ayaa sara u kacey 400%, taasoo saameysay in kabadan 20,000 oo qof, 35 qofna ay u dhinteen.
Dalal ku yaalla Yurub oo gaaraya 15, oo ay ku jirto UK, ayuu si balaaran uga dilaacey cudurkan. Kiisaska Jadeecada goobaha laga helay waxaa ugu badan dalalka Romania, Italy iyo Ukraine.
Khuburada ayaa ku sheegay sababaha laba kacleynta ee cudurka inuu yahay dadweynaha oo neceb qaadashada talaalka cudurka Jadeecada.
Hey'adda WHO ayaa sheegtay inuu hoos u dhac ku yimid habka gaarsiinta talaalka iyo hannaanka kormeerka cudurka.
Dhakhtar Zsuzsanna Jakab, oo kamid ah Hey'adda Caafimaadka Adduunka, ayaa sheegay: "Qof waliba oo uu cudurkan Jadeecada haleelay waxay inoo tahay xasuus, in ilmaha iyo dadka waa weyn ee aan la talaalin, iyo khatarta cudurka iyo inuu kusii faafo dad kale,
Waxaa lagu arkey UK 282 kiis 2017dii, taasoo lala xiriirinayo sii socoshada uu kusii fidayo cudurkan qaaradda Yurub.
Toddobaadyo kahor, hannaanka dowladda ee caafimaad Ingiriiska, ayaa ka digay kiisaska cudurka Jadeecada, iyadoo lagu arkey gobolo kamid ah England.
Dhamaadkii bishii January sanadkan 2018dii, waxaa la xaqiijiyey iney jiraan kiisas gaaraya illaa iyo 51, oo laga helay gobolada West Midlands.
Jadeecada, waa cudur si deg deg ah ku fida, dad badanna dili kara waqti kooban, tTallaalka MMR ayaa loogga hortagi karaa cudurka Jadeecada.
Abaarta Soomaaliya oo sababtay sare u kaca kiisaska jadeecada
Talaalka waxaa la isu siiyaa laba dhibcood oo lagu shubayo afka ilmaha yar.
Dadka waa weyn ayaa iyaguna qaadan kara, haddey kal hore gaftey fursadda ay ku heli lahaayeen talaalka cudurkan Jadeecada.
Astaamaha cudurka Jadeecada waxaa kamid ah Sandareer, Qufac, Hindhiso, Indhahoo Guduudta, Qandho heerkeedu sareeyo, maalmo kadibna indhihii guduudna waxey isu badalaan midabka Kafeega.
Cudurka Jadeecada oo ka dilaacay UK
KIISASKA LAGA HELAY WADAMADA YURUB 2017DII, WAXEY U KALA HOREEYAAN SIDAN SOO SOCOTA:
Romania5,562 kiis
Italy5,006 kiis
Ukraine4,767 kiis
Greece967 kiis
Germany927 kiis
Serbia702kiis
Tajikistan649 kiis
France520 kiis
Russian Federation 408 kiis
Belgium369 kiis
UK282 kiis
Bulgaria167 kiis
Spain152 kiis
Czech Republic 146 kiis
Switzerland105 kiis
ANISA ”WAXAY IGA QAATEEN WIILKEYGA MARKII AAN CISBITAALKA LA GALAY WIIL KALE OO IGA XANUUNSANAA…”
Anisa oo ah hooyo dagen magaalada Örebro ee dalka Sweden isla markaana ku shaqe ysata turjbaanka luqadada soomaaliga iyo iswidhishka ahna kalkaaliso caafimaad ee qeebta hoose (Undersökerska) ayaa waxaa la soo gudboonaaday dhibaato ku dhacday in ay wiil ay dhashay ay ka qaateen hay’adda u qaabilsan arimaha qoyska ee magaaladda ay ka degen tahay dalka Sweden.
Waxaay nooga faalootay dhibaatada ku dhacday hooyadaas soomaaliyeed markii mid ka mid ah caruurteeda uu xanuusaday ayna la gashay cisbitaalka caruurta, caruurteeda kale oo sad dax ah ay joogeen guriga, mid kamin ah caruurdeeda uu ubaaday caawinaad dheeri ah, marka asina ay qolyaha arimaha qoyska ay ka codsadeen in caruurtaasi loo qeeyo familo kale.
Waxaa ay hay’adda qoyska degamada ka codsatay in laga caawino caruuta kale ee ay guriga ku hayaan si ay cunuga jiray iyo ilmaha kale ay iyada mas’uul uga ahaato inta ay uu ka caafimaadaayo unuga jiray.
Waxaa wareysiga kale qeeb galaayo khabiir soomaaliyeed oo ku soo takhasusay cilmiga arimaha bulshada mudane Axmed Xirsi oo degen magaalada Umeå ee dalka Sweden.
Wareysigan waxaa inoo daadihinaayo ama noo soo wareystay wariye Axmed Afrax (Aar) oo ka tirsan wariyayaasha idaacada Somaliweyn Radio Sweden.
WASIIRKA MAALIYADDA CABDIRAXMAAN DUCAALE
Wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in qaadista canshuurta iibka ee alaabooyinka jumlada ah ay muhiim u tahay shaqada dawladda iyo dhismaha kalsoonida lagu qabo dawladda.
Beyle, wareysi uu siiyey ideacadda VOA ayuu ku sheegay in dawladdu ay ka shaqaynayso midaynta guud ahaan canshuuraha dalka, shirar arrintaas khuseeyana ay socdaan. Canshuurta iibka ee ay dhowaan soo rogtay dawladda ayaa waxaa ka ka horyimid ganacsatada oo ku dooday inay badan tahay, waxayna ganacsatadu sameeyeen shaqo joojin iyaga oo xiray goobihii ganacsiga labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
Cabdiraxmana Ducaale Bayle waxa uu waraysigan ku sheegay in lacagta laga doonayo ganacsatada ay tahay waajib dawli ah oo ku qoran sharciyada waddanka. Waxaa dhinaca kale uu sheegay in dawladda Soomaaliya laga doonayo inay kasoo baxdo waajibaadkeeda saaran gudaha iyo dibedda sida inay bixiso mushaharaadka iyo inay sidoo kale guddo qaanta lagu leeyahay.
Waxa uu sheegay in bixinta canshuurta la’aanteed aysan dawladda Soomaaliya awoodi doonin inay iska bixiso kharashaadka ku baxa maamulka hawlaha dawladda. Waxaa sidoo kale uu wasiirku ka hadlay halka ay marayaan lacigihii ay dawladdu horey u sheegtay inay soo daab acayso.
BOGGA CAYAARAHA
OWEN OO SAADAALIYAY KULAMADA CHAMPIONS LEAGUE..(MUXUU KU SAADALIYAY KULANKA XALAY EE CHELSEA VS BARCELONA?)
Xiddigii hore ee Liverpool, Man United iyo Real Madrid Michael Owen ayaa saadaaliyay kulamada Usbuucan ee Champions League.
Laacibka reer England ee iminka falanqeeya Ciyaaraha ayaa saadaaliyay in Chelsea xalay looga adkaan doonto 2-1 iyadoo joogta mininkeeda Stamford Bridge.
Owen ayaa kulamada dhacaya Champions League usbuucan ku saadaliyay Sidan:
Chelsea 1-2 Barcelona
Bayern Munich 3-0 Besiktas
Sevilla 1-1 Manchester United
Shakhtar Donetsk 1-1 Roma
‘MALAHA WAAN KHAARAJIN DOONNAA!”, – TABABARAHA SEVILLA OO U HANJABAY XIDDIGGAN KA TIRSAN MANCHESTER UNITED KAHOR KULANKOODA
Tababaraha Sevilla Vincenzo Montella ayaa ku kaftamay in ay ‘Dili’ karan Alexis Sancehz kahor kulankooda berri.
Montella waligii waxa uu ahaa mid xiiseehaa tan iyo markii isaga oo da’yar ku biiray Udinese.
Sancehez gool qura ayuu dhaliyey intii uu United ku soo biiray balse Montella waxa uu qab aa in uu yahay hubka ugu culus ee weerarka Red Devils.
"Malaha waan dili doonnaa ama laadi doonnaa ama wax uun,” ayuu yiri Talyaaniga.
"Waxaan xusuustaa Sanchez markii uu joogay Italy.
"Aad ayuu u horumariyey naqshaddiisa ciyaarta xaqiiqdi waa ciyaaryahan wanaagsan marka la eego hellidda dal daloolada, waxa uuna dhabtii leeyahay xawaare fiican.”
RONALDO OO AAN CIYAARI DOONIN KULANKA HABEEN DAMBE EE LEGANES
Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa go’aansaday inuu nasiyo laacibkiisa Cristiano Ronaldo sida ay baahisay Marca.
Real Madrid ayaa kulamo is daba joog ah la kala ciyaartay kooxaha Real Sociedad, PSG iyo Real Betis, kooxda ayaana guul gaartay dhamaan kulamadaas, Ronaldo ayaana dhaliyay 6 gool.
Tababare Zidane ayaa doonaya inuu ka fogaado in xiddigiisu uu daal dareemo, maadama kooxda uu sugayo kulanka lugta labaad ee PSG.
Xiddiga reer Portugal ayaa laga saarayaa liiska ciyaartoyda Real Madrid ee habeen dambe wajihi doona kooxda Leganes, kulankaas oo ah kulan horay ugu baaqday kooxda tababare Zidane.
Cristiano ayaana dib ugu soo laaban doona safka kooxdiisa kulanka sabtiga ay marti qaadi doonto Real Madrid kooxda Alaves.
CHAMPIONS LEAGUE ROUND OF 16 FEBRUARY 20
live 28'Bayern Munich 0 0 Besiktas
live 26'Chelsea 0 0 Barcelona
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 21-KA FEBARAAYO 2018-KA
YARIISOW "WAXAAN SOO CELIN DOONAA GOOBIHII TAARIIKHIGA EE MUQDISHO" C/raxmaan Cumar Cismaan "Eng Yariisow" Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobalku ay ka go'an tahay sidii dib loog