Boko Haram oo weerartay Iskuul gabdho wax ku bartaan

0
Tuesday February 20, 2018 - 20:08:45 in Wararka by
  • Visits: 400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boko Haram oo weerartay Iskuul gabdho wax ku bartaan

    Gabdho iskuuley ah iyo macllimiin ayaa waqooyi bari ee dalka Nigeria ka baxsaday weerar ay kooxda Boko Haram ku qaadeen iskuul ah kuwa la seexdo, sida ay ay sheegeen goob joogayaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabdho iskuuley ah iyo macllimiin ayaa waqooyi bari ee dalka Nigeria ka baxsaday weerar ay kooxda Boko Haram ku qaadeen iskuul ah kuwa la seexdo, sida ay ay sheegeen goob joogayaal

Goobjoogayaasah ayaa sheegay in Isniintii mintidiinta wata gawaari ay yimaadeen magaalada Dapchi, oo ku taalla gobolka Yobe, halkaasi oo rasaas ay ku fireen ayna dhigeen qaraxyo.

Shaqaalaha iskuulka iyo ardayda oo maqlay shanqarta ayay u suuragashay in ay goobta ka baxsadaan.

Bishii April 2014, kooxda Boko Haram ayaa waxay 270 gabdhood ka afduubteen iskuul ku yaalla magaalada Chibok ee wuqooyi bari Nigeria.

Dadka degaanka Dapchi ayaa waxay sheegeen in ay rumaysan yihiin in Boko Haram ay qorshaynayeen in ay afduubtaan gabdhaha iskuulka ay weerareen.

Markii ay dagaalyahanada Boko Haram ogaadeen in iskuulka aysan cidna joogin ayaa waxa ay dhaceen waxyaabihii yaallay halkaasi.

Ciidamada Nigeria oo kaashanaya diyaaradaha militariga ayaa markii dambe dib u riixay maleeshiyaadkan Boko Haram.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip