Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka jira deegaano u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye
Wararka ka imanaya deegaano u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan ay ka wadaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.
Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa la sheegayaa in uu saameyn ku yeeshay dadweynaha ku nool tuulooyin ku yaal hareeraha wabiga Shabelle, iyadoo ciidamo taabacsan Al-Shabaab ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah tuulooyinka u dhexeeya Balcad iyo Afgooye.
Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay deegaano ka mid ah halka ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku sugnaa deegaano u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo weeraro ku qaadayay degmada Afgooye iyo wadada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad.