Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn ka dhacday Jubbaland

0
Tuesday February 20, 2018 - 18:15:18 in Wararka by
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn ka dhacday Jubbaland

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn Diyaaradeed oo saakay aroortii abaare 05:00 subaxnimo ka dhacday fariisin xoogaga ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn Diyaaradeed oo saakay aroortii abaare 05:00 subaxnimo ka dhacday fariisin xoogaga ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyntan oo ay fuliyeen Diyaarado Dagaal oo ay saarnaayeen Ciidamo Ajnabi ah ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday xero Millitari oo ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin degmada.

Dadka degaanka ayaa sheegay in saakay aroortii mar qura ay ku soo tooseen iyada oo jawiga uu is bedelay, islamarkaana dhanka saldhiga ay ka maqlayeen Dhawaqa Rasaas xoogan iyo guuxa Diyaaradaha, taasi oo dadka qaarkood ku qasabtay in ay barakac sameeyaan. 

Warar madax banaan ayaa sheegaya xilliga ay Duqeynta dhaceysay in saldhiga ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Shabaab, kuwaasi oo waday qaban qaabo ku aadan shir magaalada Jamaame uga furmaya Madax ka tirsan Shabaab.

Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa ku waramay sida tan "Weerarka wuxuu ka dhacay meel u jirta degmada Jamaame 5-KM, xero Shabaab ay degan yihiin ayay aheyd, lama ogaan karo khasaaraha dhabta ah, halkaasi waxaa isugu yimaada saraakiisha Shabaab, dadka degaanka Duqeyntan way saameysay, cabsi ayay muujiyeen, shacabka qaarkood barakac ayay sameeyeen, gabi ahaan waxaa xiran isu socodkii magaalada.

Ilaa hadda lama oga dalka laga leeyahaya DIyaaradahan Duqeynta fuliyay, sidoo kale waxaanan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Duqeyntan, maadaama xilli aroor ah ay aheyd.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino Duqeyntan iyo khasaaraha ka dhashay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan, balse waxay inoo sheegeen in hada ay socoto xogta la xiriirta Duqeyntan, dibna ay ka soo sheegi doonaan.

Ururka Al-shabaab ayaa 10-kii sano ee ugu dambeysay maamulaaya degmada Jamaame oo 70-KM dhinaca Waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo oo hada uu ka socdo shir looga hadlayo Amniga, kaasi oo uu shalay furay Madaxweyne (Axmed Madoobe).

Ciidamada Mareykanka ayaa bilihii u dambeeyay howlgallo nuucaan oo kale ah ka fuliyay qeybo ka tirsan Gobolada dalka, waxayna ku dileen saraakiil iyo Dagaalyahano Shabaab ka tirsan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip