Dowladda Kenya oo sheegtay inay isa soo dhiibeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

0
Tuesday February 20, 2018 - 18:05:49 in Wararka by
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo sheegtay inay isa soo dhiibeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

    Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in 40 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab iska soo dhiibaan deegaanka ismaamulka Kilifi, waxaana ragaasi loo qaaday xarumo dhaqan celin oo ku yaalla Mombasa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in 40 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab iska soo dhiibaan deegaanka ismaamulka Kilifi, waxaana ragaasi loo qaaday xarumo dhaqan celin oo ku yaalla Mombasa.

 

Magu Mutindika Gudoomiyaha Ismaamulka Kilifi ayaa cadeeyay in raga isa soo dhiibay ay yihiin intooda badan dhalinyaro, kuwaas oo si iskood ah, kuwaasi oo ka kala yimid Deegaanadda Malindi, Mambrui, Kilifi iyo Mtwapa.

Gudoomiyaha Ismaamulka Kilifi ayaa sheegay in dhalinyaradaasi dowladda Kenya aysan Dacwad ku soo oogi doonin iyagoo caawimaad u soo doontay, wuxuuna sheegay in Dhalnyarada isa soo dhiibay ay heytaan Tababar Dagaalka ah, iyadoo dhalinyaradaasi ay ka kooban yihiin wiilal iyo Gabdho, isagoo sheegay inay u balan qaadayaan dhalinyaradaasi nolol wanaagsan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobollka Kilifi ayaa sheegay in dowladda Kenya ay cafis u fidisay dadka ka soo goosanaya Al-Shabaab, islamarkaana dowladda Kenya ay balan qaaday inay ka shaqeyn doonto sidii dadkaasi loo caawini lahaa.



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip