Isku day afgambi fashilmay oo ka dhacay dalka Niger

0
Friday December 18, 2015 - 13:36:55 in Wararka by
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku day afgambi fashilmay oo ka dhacay dalka Niger

    Madaxweynaha Niger Mohamadou Issoufou ayaa sheegay in dowladdiisa ay fashilsay isku day afgambi la doonayay in xukunka laga tuuro. Mr Issoufou oo ka hadlayay Telefishinka ayaa sheegay in isku dayga afgambiga la doonayay in xukunka laga tuuro ay qo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Niger Mohamadou Issoufou ayaa sheegay in dowladdiisa ay fashilsay isku day afgambi la doonayay in xukunka laga tuuro. Mr Issoufou oo ka hadlayay Telefishinka ayaa sheegay in isku dayga afgambiga la doonayay in xukunka laga tuuro ay qorsheynayeen ciidamo ka tirsan Milateriga

"Dowladdu waxay fashilisay is ku day afgambi oo la doonayay in dalka lagu qasoā€¯ayuu yiri Madaxweynaha Niger oo ka hadlayay Telefishinka dalkiisa.

Baaritaano ayaa ka bilowday dalkaas, kaasoo lagu ogaanayay cida ka dambeysay isku dayga afgambi, waxaana illaa iyo hada loo xiray afar ka mid ah saraakiisha milateriga.

Waxaa la doortay sanadkii 2011, isagoo doonayay inuu meesha ka saaro xukunka milateri ee uu dalkaas ku jiray.

Nigeri ayaa tan iyo markii ay qaadatay xornimada sanadkii 1960 waxaa ka dhacay dhowr afgambi.

Sanadka soo socda ayaa la filayaa inuu ka dhaco doorasho, iyadoo Madaxweyne Mohamadou Issoufou uu ugu cad cad yahay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip