Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda xuska 26-June

0
Friday June 26, 2026 - 07:04:06 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda xuska 26-June

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

66-sano guurada xoriyadda Dalka ayaa xalay ka dhacday qaybo badan oo dalka ka mid ah Qoray Mohamud Abdi Diirshe 1 daqiiqo akhrisvisibility236 Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda xuska 26-June — SONNA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusay 66 sano guuradii ka soo wareegatay xorriyaddii gobolada Waqooyi ee dalka, taasi oo ku beegan 26-kii bishii Juun, sanadkii 1960-kii, tallaabadaasi oo ahayd billowgii hirgelinta himiladii gobannimo doonka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si qotodheer uga hadlay halgankii dheeraa iyo naf-hurnimadii ay halyeeyadii xaq u dirirka Soomaaliyeed u soo galeen hanashada xorriyadda iyo gobannimada dalka, isaga oo xusay in guulahaas taariikhiga ahi ay ku yimaadeen dadaal, adkaysi iyo midnimo shacabka Soomaaliyeed ay muujiyeen.

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta horyaalaan caqabado weli halis ku ah midnimada, wadajirka iyo jiritaanka dowladnimada dalka, waxa uuna xusay in ay barbar socdaan fursado muhiim ah oo u baahan in si wadajir ah looga faa’iideysto si loo ilaaliyo guulaha dib u dhiska dowladnimada, loona xaqiijiyo mustaqbal ay Soomaaliya ku gaarto xasillooni, horumar iyo isku duubni qaran.

 

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qaran, isaga oo ku baaqay in la sii xoojiyo wadajirka, nabadda iyo dadaallada lagu xaqiijinayo Soomaaliya horumarsan oo mideysan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda xuska 26-June10535.jpg
10536.jpg10538.jpg
10543.jpg10544.jpg
10545.jpg10546.jpg
10549.jpg10550.jpg
10551.jpg10553.jpg
10554.jpg
xigasho:-sonna.so


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip