Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiir Mevlüt

0
Monday February 12, 2018 - 12:17:49 in Wararka by
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiir Mevlüt

    Kulan gaar ah oo mas'uuliyiinta Wasaaradaha Arrimaha Dibadad ee Soomaaliya iyo Turkiga ay ku yeesheen magaalada Istambul ee Dalkaasi ayaa kaga hadlay xoojin ilaa qaadka dhinaca diblomaasiyadda ee u dhexeeya labada Dal. Wasiiru Dowlaha Arrimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan gaar ah oo mas'uuliyiinta Wasaaradaha Arrimaha Dibadad ee Soomaaliya iyo Turkiga ay ku yeesheen magaalada Istambul ee Dalkaasi ayaa kaga hadlay xoojin ilaa qaadka dhinaca diblomaasiyadda ee u dhexeeya labada Dal. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Axmed Khayr Cabdi oo dalka Turkiga kaga qeyb galay shir u dhexeeya Dowladaha Afrika iyo Turkiga ayaa waxaa uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalkaasi.

Mevlüt Çavuşoğlu Wasiirk Arrimaha Dibadda ee Turkiga iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Axmed Khayr ayaa isla gorfeeyey sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhexeysa labada Dowladood.

Waxyaabaha ay sid agaarka ah ugu hadleen waxaa ka mid ah Arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, maalgashiga iyo dhamaan in la horumariyo howlaha danwadaagaha ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka labada mas’uul ayaa daba socday shir ay lahayeen Wasiirada Arrimaha Dibadd ee wadamada Afrika iyo Turkiga,kaasi oo looga hadlayay sidii iskaashi buuxa uu u dhexmari lahaa dhinacyadaasi.

Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxaa ku soo kordhay dardargelinta xiriirka iyo iskaashiga uu Turkigu la wadaago wadamada Afrika oo uu u arko in ay muhiim u yihiin straatiijiyada ahaan wadankiisa, isagoo sameeya mashaariic horumarineed iyo maalgelin sida Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip