Dadka Deegaanka ayaa ku war helay Ciidamo aad u hubeysan, dhalinyaro badan ka qabqabanaya Deegaanka Harweyn oo Qiyaastii 40km koofur kaga beegan Magaalada Boosaaso ka dibna weydiiyeen su’aalo ku aadan inay Xiriir la leeyihiin Al-shabaab.
Ilo ku sugan deegaanka Harweyn ayaa Simba u xaqiijiyey in Ciidanka Puntland ay si gaar ah ubeegsadeen dhowr guri oo ku yaala deegaankaas, halkaasna ay kala baxeen 3-ruux oo dhalinyaro ah kuwaasi oo u muuqday inay ahaayeen bartilmaameedka Howlgalka Ciidanka Puntland.
Taliska ciidamada Amaanka Puntland ee Gobalka Bari ayaa Xaqiijiyey inay maanta oo jimco ah ay howlgal gaar ah ka fuliyeen deegaanada buuralayda ah ee Koofurta Magaalada Boosaaso, halkaasi Al-shabaab ay ka soo abaabulijiyeen Weerarada iyo falalka Amni daro ee ay ka geystaan Boosaaso.
Saraakiisha Daraawiisha Puntland ayaa Sheegay inay gacanta ku dhigeen 3-ruux oo ku howlanaa, weerar ay ka geystaan Magaalada Boosaaso kuwaasi oo ay maanta u dhaadhiciyeen Xabsigasi si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo ayna cadaalada marin-doonaan.
Deegaanada Maanta ay Howlgalka ka sameeyeen Ciidanka Puntland ayaa la Sheegay in maalmihii danbe Al-shabaab ay Saldhigyo qarsoodi ah oo ay ku farsameeyeen qaraxyada ka dhaca Magaalada Boosaaso iyo Wadooyinka loo maro Buuraha galgala ee Gobalka Bari.
Tilaabadaan ayaa Xiriir la leh talooyin ay soo jeediyeen guddiga Amniga Puntland ee Gobalka Bari oo Shalay Shaqadii ka Eryey Taliyihiin Ciidanka Booliska Bari C/xakiim Yuusuf Xuseen.
Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Ragii Abaabuli Jiray Qaraxyada Boosaaso
Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobalka Bari ayaa ku waramaya in halkaasi maanta ciidamo katirsan kuwa daraawiishta maamulka Puntland ay howlgalo qorsheysan ka fuliyeen deegaano hoos yimaada Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Maamul Gobal