Mareykanka oo Cuna-qabateeyay 3 Shirkadood oo ay Midi Soomaali Tahay

0
Friday February 09, 2018 - 23:01:35 in Wararka by
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Cuna-qabateeyay 3 Shirkadood oo ay Midi Soomaali Tahay

    Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo inay taageeraan kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo inay taageeraan kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

Shirkadahan iyo dadkan oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Filibbiin iyo Turkey, ayaa lagu eedeyay in uu xiriir ganacsi dhex maray kooxda iyo iyaga.

Waaxda lacagaha Mareykanka, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar, oo lagu eedeyay inuu dhaqaale iyo agabba ugu deeqay kooxda ISIS ee dalka Filibbiin.

Waxa sidoo kale cuna-qabateyn lagu soo rogey Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Profesyoneller Elektronik ee fadhigeedu yahay Turkiga, kaas oo lagu eedeyay in uu qeybo ka mid ah diyaradaha iswada uu u fududeeyay ISIS.

Mareykanka, ayaa sidoo kale xannibaad dhaqaale ku soo rogey, Maxamed Mire Cali Yuusuf, iyo shirkadihiisa Liibaan Trading and Al Mutafaq Commercial Company, sababtoo ah bey yiraahdeen doorkiisa ku aaddan taageerada ISIS ee Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip