
Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Homs ee dalka Suuriya oo lagu dilay 16 Ruux
Sidoo kale, hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha dalka Suuriya ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dadka ku dhintay qaraxan ay ku jiraan laba sarkaal oo ka tirsan booliiska ay ka mid ahaayeen dadkii qaraxaas lagu dilay, kuwaasoo kala ahaa qof rag ah iyo qof dumar ah.
"Qaraxan Ismiidaaminta ah waxaa lagu dilay 16-qof oo ay ku jireen Haween iyo carruur,” ayay hay’addu tiri, iyadoo intaas ku dartay in dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwo aad u culus, haatanna lagu daweynayo Isbitaallada Suuriya.
Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya maalmo kaddib markii ciidamada dowladda Suuriya ay xoogagga mucaaradka ah kala wareegeen deegaanno ku Homs ku dhow oo ay gacanta ku hayeen.
Hay’adda ayaa warbixinteeda ku xustay in qaraxan loo adeegsaday gaari nooca booyadaha ah oo laga soo buuxiyay Wax-yaabaha Qarxa, isla markaana shaqartiisa laga maqlay Dhul aad uga fog halka uu ka dhacay.
Dhanka kale, hay’ad kale oo kuwa Xuquuqda Aadanaha dalka Suuriya u dooda ka mid ah ayaa iyadana warbixin ay soo saartay ku xustay in 10-qof lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Ruushku ka geysteendeegaanka Atareb oo ka mid ah kuwa ay gacanta ku hayaan xoogaga kasoo horjeeda xukuumadda Bashar Al-Assad.
Xukuumadda Ruushka ayaa tan iyo 30-kii bishii September ee sannadkan waxay duqeymo culus ka waday deegaannada ay ku xooggan yihiin mucaaradka kasoo hor-jeeda Dowladda Al-Assad iyo kuwa kale ee gacanta ku hayso kooxda ISIS.
Ruushka ayaa ah dowladda keliya caalamka ee taageerada ku siiyay xukuumadda Suuriya dagaalka ay kula jirto xoogagga kasoo hor-jeeda, kuwaasoo ka billowday dalkaas Maarso, sannadkii 2011-kii.
Ugu dabmeyntii, colaadaha sokeeye ee ka socda dalka Suuriya ayaa lagu dilay in ka badan 250,000 oo qof oo shacab u badan, iyadoo lagu dhaawacay tiro kor u dhaafaysa hal milyan oo qof.
Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Homs ee dalka Suuriya oo lagu dilay 16 Ruux
Qarax loo adeegsaday Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo Sabtidii shalay ka dhacay magaalada ay dowladdu xukunto ee Homs ayaa lagu dilay ugu yaraan 16-qof, iyadoo lagu dhaawacay in ka badan 100-qof.