
Shir lagu go'aaminaayo nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceyso oo Muqdisho ka furmaya
Wariyeyaasha ku sugan madasha shirka ayaa sheegaya Shirka inuu furmo doono 11:00 Barqanimo ee maanta, xilligaasi ka hor ayaa la filayaa in Madaxda shirkaan ka qaybgalaysa ay ku sii xaadiraan madasha Shirka.
Inkastoo Dowladda dhexe ay soo aruurisay aragtiyada kala duwan ee ay qabaan Bulshada ku nool Maamul Goboledyada dalka ka jira, ayaa hadana arimaha ugu waaweyn ee la hadal haayo waxa ay tahay Afar qaab oo Doorashada suuragal ay tahay midkood in la qaato.
- Doorasho Heer degmo
- Doorasho Beel ku saleysan 4.5
- Doorasho Xisbiyo
- Doorasho Heer dowlad gobaleed
Maamulada Qaar ayaa aragtidooda ku dhiibtay inay wanaagsan tahay in Doorashada lagu saleeyo Hanaanka Qabiilka 4.5 halka kuwa qaarna ay ku doodayaan in Doorashada lagu saleeyo Hab deegaan, waxaase la sugayaa waxa ay isla gartaan Madaxda.
Dowladda Somaliya ayaa horay u cadeysay in dalka aysan ka dhici karin Doorasho qof iyo cod ah, taasi bedelkeedana loo baahan yahay in la keeno nooca doorasho ee Somaliya ka dhaceyso.
Waxaa si weyn indhaha loogu haayo nooca ay noqon doonto doorashada Somaliya ka dhaceysa ee Madaxda ay isla gartaan maanta.
Shir lagu go'aaminaayo nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceyso oo Muqdisho ka furmaya
Sida qorshaha uu yahay saacadaha soo socda ee maanta ayaa lagu wadaa in Xarunta Xalane uu ka furmo shirka lagu go'aaminaayo nooca doorasho ee Somaliya ka dhaceyso, marka la gaaro waqtiga ay ku eeg tahay Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuu