WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 10-KA 2018-KA

0
Wednesday January 10, 2018 - 10:47:04 in Wararka by
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 10-KA 2018-KA

    REYSUL WASAARE KHEYRE OO BALAN QAADAY HOR MARINTA SIRDOONKA QARANKA. Reysul wasaaraha Xukuumada Fedraalka Somalia Xasan Cali Kheyre oo Ka qeybgalay Mun aasabad Loogu dabaal dagayay AasAaska Hey'ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

REYSUL WASAARE KHEYRE OO BALAN QAADAY HOR MARINTA SIRDOONKA QARANKA. Reysul wasaaraha Xukuumada Fedraalka Somalia Xasan Cali Kheyre oo Ka qeybgalay Mun aasabad Loogu dabaal dagayay AasAaska Hey'ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in Xukumadiisa ay hormarin doonto Sirdoonka dalka si looga adkaado dagaalamayaasha alshabaab, wuxuuna intaas ku daray inay kor u qaadi doonaan arimaha sirdoonka.

Reysul Wasaare Kheyre Ayaa Tilmamay In Miisaa niyada Dowlada Ee Sanadkaan Ay Kordhiyeen ayna Qe ybta ugu talo Galeen Hey’ada Sirdoonka Iyo Nadsigida Qara nka Islamarkaana ay hormarin doonaan si loo adkeeyo Amaanka Guud ee dalka.

Qaraxyada Iyo dilakka qorsheysan ee ka dhaca qeybo badan oo dallak kamid ayaa wuxuu sheegay inay sabab u tahay sirdoonka dalka oo aan hor marsaneen.

MARAYKANKA OO UGU DEEQAY GAADIIDKA AAN RASAASTA KARIN DOWLADA SOOMAALIYA …

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowlada Mareykanka ayaa soo gaarsiisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya lix gaari oo ah gaadiidka aan xabadaha karin.

Wasiirka Gaashaandhigga dowlada Federalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kala wareegay gaadiidkan saraakiil ka socotay dowlada Maraykanka.

Maxamed Mursal Sheekh Wasiirka Gaashaandhigga Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ugaga mahadceliyay dowlada Maraykanka deeqda gaadiidka ay ku soo wareejisay wasaarada gaashaandhiga.

Mareykanka ayaa ka taageera Soomaaliya qalabeynta, tababarka iyo taakuleynta Ciidama da Milateriga Soomaaliya

Hase yeeshee dhowaan ayay dowlada Maraykanka waxa ay ka joojisay dowlada Soomaa liya sahaydii ay siin jirtey ciidamada Milatariga kadib markii uu soo dhex galay shaki ah in la musu qmaasuqo gargaarka la siiyo ciidamada Milatariga Soomaaliya.

GUDDOOMIYE KU XIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO DEEQ LACAGEED GAARSIIYAY CARRUUR ISUGU JIRTA AGOON IYO DANYAR ..

Ilaa 48qoys oo danyar ah ayaa ka faa’ideystay deeq lacageed oo uu dadkaasi ugu tala galay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdala Cawad oo deeqda asi u wakiishay Hay’adda Towfiiq Foundation oo ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya daryeelka bul shada iyo kaalmeynta dadka tabarta yar

goobta deeqdan lacagta ah lagu qeybinayay ayaa waxaa ku sugnaa Caruur Agoon ah oo uu gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ka bixiyo qarashaadka waxbarashada iyo ehel adooda,waxaana qaar ka mid ah dadkii deeqdan ka faa’ideysaatay ay gudoomiye kuxigeenka lab aad ee golaha shacabka uga mahad celiyeen deeqdan iyo sida uu caruurtan u taageero,waxayna ka codsadeen in uu sii laba laabo

Maxamed Maxamud Barre oo ku hadlayay magaca hay’adda Towqiif Foundation oo ka wak iil aheyd gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in deeqdan ay u qey biyeen sidii loogu tala galay.

FARMAAJO "RAJADA AAN QABO AYAA AH IN ARDAYDA WAXBARATAY AY AQOONTOODA WAX UGU QABAN KARAAN DALKA”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay khudbad u jeediyey ardayda wax kabarata jaamacdaha Puntland ayaa shee gay in uu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalka dalka maadaama ay kordhayaan xarumaha waxb arasho ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo ardayda kula hadlay Hoolka Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoo we ayaa yiri "Rajada aan qabo waxa ay tahay ardayda waxbaratay oo aan aaminsanahay in ay aqoontooda wax ugu qaban karaan dalkooda, kuna horumarin karaan. Maxaa yeelay dhallinyar adeenna waxa ay ka yihiin bulshada in ka badan 70%, taasina waa rajo aad u weyn."

Madaxweynaha ayaa xusay in ardayda Soomaaliyeed ay muujiyeen dadaal iyo sabar badan, una soo dhabar adaygeen duruufo waxbarasho oo aad u adag, haatanna looga baahanyahay in ay shaqada ka soo bilaabaan asaaska si ay khibrad iyo waayo aragnimo u yeeshaan.

Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigaliyey dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u tashadaan sidii dalkooda ay u dhisan lahaayeen, ugana shaqeyn lahaayeen nabadda iyo horumarka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in ay Dowladdu soo nooleynayso kaalinta culimada iyo odayaasha dhaqanka ay ku leeyihiin dowlad dhisidda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay nabaddu asaas u tahay hourmarka, loona baahanyah ay in markasta laga shaqeeyo oo la ilaaliyo. Waxa uu intaas ku daray Madaxweynaha in isfahamka odayaasha dhaqanka, culimada iyo siyaasiyiinta uu asaas u yahay nabadda iyo dibuheshiisiinta dalka.

Markii ay soo idlaatay munaasabaddani ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas waxa ay soo kormeereen Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe iyaga oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu guryaha ay ka deggenyihiin magaalada Garo owe ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Far maajo ayaa inta uu ku suganyahay Puntland waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

XAAKIM OO SI KMG AH U HAKIYAY SOOMAALI LAGA SOO MUSAAFURIN RABAY MAREYKANKA

Xaakim Federaal ah oo ka soo jeeda Gobalka Florida ee dalka mareykanka ayaa sheegay in uu balaarinayo sii joogitaanka Mareykanka 92 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaa oo hay’ adda ka hortagista muhaajiriinta mareykanka ay xabsiga dhigtay.

Darrin Gayles oo ah xaakimka maxkamada Magaalada Miami ee Gobalka Florida ayaa hor ay u soo saaray 19kii bishii December in ay si ku meel gaar ah dalka mareykanka u sii joogaan 92 qof oo soomaali ah si loo hubiyo dambiyada lagu heysto in ay heleen kaalmooyin caafimaad maad ama jirdil iyo xarig loo geestay xili ay ku soo wajahnaayeen dalka soomaaliya kuwaa oo markii dambe diyaaradii siday ay cilad ku timid waxaana lagu dhex xiray diyaarada muddo 24saac ah iya goo jeebadeesan magaalada Dakar ee dalka sinigal.

Maalinimadii daraad aheyd ayuu ka damaanad qaaday xaakimka koox u ololeeysa xuquuq da dadka oo mareykanka ka dhisan waxaana uu sheegay in laga warsugo ilaa 22 January ee bishaan.

Darrin Gayles ayaa tilmaamay in 22 January uu go’aansan doono inuu sii damaanad qaado joogitaan dheer waxaana uu xusay in ay dacwad ka gudbiyeen hay’adda dib u dejinta qaxootiga mareykanka.

Qareenada u doodaya dadkan soomaaliyeed ayaa sheegay in muddo labo maalin ah ay ku dhex xernaayeen diyaaradda dhexdeeda, waxaana isku kaadiyay qaar kamid ah dadkaasi.

Bishii December ee sanadii hore ayey aheyd markii diyaaradaan siday 92 qof oo soomaali ah ay gaartay dalka senagal kadibna mareykanka dib loogu soo celiyay waxaana sababta lagu sheegay in shaqaalaha diyaarada ay ahaayeen kuwa daalan.

Lee Gelernt oo ah qareenka u doodaya Soomaalida ayaa sheegay dalka Soomaaliya daga alyahanada al shabaab ay ka howlgaaan waxaana uu tusaalo u soo qaatay qaraxii 14kii October ka dhacay sanadii hore ee 2017 oo in kabadan 500 oo qof lagu dilay.

WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALIYA OO MAGAALADDA DOHA KULA KULMAY DHIGIISA QADAR …

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaaladda Doha, ayaa la kulmay Wasiirka Wasa aradda Maaliyadda ee dalkaasi, Mudane Cali Shariif AlEmadi, iyaggoo kawada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka, ayaa sheegay in dhigiisa uu kala hadlay qodobo ay kamid yihiin Xiriirka walaalnimo ee Soomaaliya iyo Qadar ka dhaxeeya, isaggoo xusay in Dalka Qadar uu uga qeyb galay Shirka Wasiiradda Dalalka Islaamka oo magaaladda Doha lagu qabtay.

"Shalay waxaan la kulmey dhigeyga Wasiirka Maaliyad da Dalka Qadar Mudane Ali Shareef Al – Emadi oo aan ka Wada hadalney xiriirka walaalnimo ee Somalia iyo Qatar dhin aca kale waxaan ka Wada qeyb gelnay shirka wasiirada Isla amka ee lagu qabtey Doha” ayuu yiri Wasiir Beyle.

SALDHIGYADA RUUSHKA KU LEEYAHAY SYRIA OO LA WEERARAY

Wasaarada Gaashaandhiga ee Ruushka ayaa xaqiij isay in kooxaha mintidiinta Suuriya ay u isticmaaleen diyaar adaha aan duuliyaha lahayn weerar ay ku qaadeen Saldhigyadooda ciidamada cirka iyo kuwa bad da ee Suuriya ku yaalla.

Wasaarada ayaa sheegtay in wax khasaaro ah uusan ka dhalan weerarada lagu qaaday sal dhigyadaasi.

Saldhigyada Ruushka ee la weeraray kuna yaalla Suuriya ayaa lagu kala magacaabaa Hmei mim iyo Tartus.

Saldhigga Hmeimim ayaa muhiim u ahaa dagaalka ay Ruushka gacanta ku siinayaan mada xwayne Assad.

Xukuumadda Moscow ayaa horey u sheegtay in hoobiyayaal lagu weeraray saldhigaasi bilowgii sanadkan ay ku dhinteen laba askari.

Dowladda Ruushka ayaa gacan ka siisay xukuumadda Assad sidii ay dib ugu qabsan lahayd goobaha ay mucaaradka haysteen.

SIYAASIGA CALI SEEKO OO SOO DHAWEEYAY SAFARKA MADAXWEYNAHA EE GAROOWE

Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax " Cali Seeko” oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay aa si weyn u soo dhaweeyay safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Magaalada Garoo we ee Caasimadda Puntland.

Waxaana uu tilmaamay in booqashadan ay tahay mid muhiim ah, islamarkaana wax badan ka badali doonto xiriirka Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.

FAAH FAAHINNO KA SOO BAXAYA DAGAAL KA DHACAY GOBOLKA HIIRAAN

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada Itoo biya oo ka dhacay G/ Hiiraan.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay wee rar dhaba gal ah ku qaadeen Kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ka soo ambabaxay deega anka Feer feer ee Gobolkaasi Hiiraan.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Dowladda Itoobiya ka soo gaaray weerar kaasi.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixi yaan dagaalkaasi.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo Al Shabaab ay ka soo saareen dagaalkaasi.

Balse inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, xilliyada ay isaga kala gooshayaan G/ Hiiraan.

MAAMULKA DHARKENLEY OO BURBURIYAY SUUQII XOOLAHA EE DEGMADAASI

Ciidamada Ammaanka Maamulka degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa gebi ahaan cagta mariyay Suuqii Cali Ugaas oo lagu kala baayac mushtari jiray Xoolaha Nool.

Qaar ka mid ah Ganacsatadii suuqaasi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in loo awood sheegtay, islamarkaana haatan xoolahoodii ay u rarteen Suuq Cusub oo lagu Magaca abo Daryeel oo ku yaalla deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha deegaanka Garasbaalee Cabdiraxmaan Cali Axmed "Garyare” oo isna la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa tilmaamay in ka Maamul ahaan ay soo dhaweeyeen Ganacsatadii suuqa Cali Ugaas, haatanna loo soo bedelay deegaankaasi oo ay dhul ay ka siiyeen sida uu yiri.

Maamulka degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaan weli wax war ah ka soo saarin burburinta lagu sameeyay Suuqii Xoolaha degmadaasi oo la sheegay in Ganacsatadii halkaas ay Naftooda iyo Maalkooda kala baxsadeen ayna Maciin bideen deegaanka Garasbaaley ee dulee dka Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka hir geliyeen Suuq Cusub.

MACHADKA HANO ACADEMY OO QABTAY MASHRUUC LAGU TABARUCAYO DADKII KU WAX YEELOOBAY QARAXII ZOOBE …

Falalka Bani’adaannimo waxaa ay kaalin weyn ka qaataan mar walba yareynta dhibaatooyin ka laga dhaxlo masiibooyinka sida Qaraxii 14kii October ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaa lada Muqdisho ay ku nafwaayeen dad ka badan 500 oo ruux.

Qaraxaas ayaa sababay in Carruur badani ku agoontoobaan, Waalidiin badanina ay carruur toodii ku waayeen iyo Aabayaal xaasaskoodii waayay, waxaana uu sidoo kale Mustaqbalka Carru ur badan ka dhigay mid hubaal la’aan ah.

Hadaba iyada oo taa laga anbaqaadayo Hano Academy ayaa bilaawday mashruuc lagu ca awinayo dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay Qaraxii 14ka Oktobar kaa oo lahaa ilaa Afar qeybood oo kala duwan.

Wajiga hore ee mashruucan ayeey Hano Academy ku caawisay qaar ka mid ah Qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay lacago loo soo mariyay Telleefoonnadooda gacanta.

Sidoo kale Hano Academy ayaa si loo soo nooleeyo Rajada qaar ka mid ah dadkii ay wax yeelladu soo gaartay waxaa ay deeq Waxbarasho siisay 12 Carruur ah iyo Ganacsi yar yar oo loo abuuray Qoysaskii ay wax yeeladu soo gaartay waxaana taa barbar socday tababaro dhinaca shaq ada ah oo la siinayo dadkii nasiibka u helay shaqo abuurkan si ay uga faa’ideytaan Ganacsigooda dibna ugu soo ceshan lahaayeen nolashoodii hore ee ka burburtay.

‘’Marka la eego Muddada diyaargaroowga iyo adeega Maareynta Masiibooyinka oo ay bix isay Machadka Hano Academy waa mid aad muhiim u ah waxaana ay gacan ka geysan doontaa yareynta Masiibooyinka sida dhacdadii Qaraxii 14kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ayuu yiri Dr. Maxamed Cismaan oo ka socday wasaaradda Caafimaadka kana tirsanaa Dhakhaatiirtii ka howlgashay Qaraxii Zoobe.

F.A.WARAABE.jpg Mashruucan ayaa waxaa ka qeybgalay soo gudbintiisa Aqoonyahanno, bulshada rayidka, shaqaalaha bani'aadamn imada, dadka caafimaadka ka shaqeeya, Dowladda Federaal ka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Bani'aadamnimada & Maareymta Masii booyinka Prof Ismaacil Olow, Wasaaradda Caafimaadka iyo Is gaarsiinta (Axmed Cilmi), Agaasimaha Adeegga Gurmadka Banaadir Mudane Cabdiqani Maxamed Axmed iyo Agaasima ha Somali National TV iyo Radio Mr. Liibaan Cabdiqaadir.

Sidoo kale Machadka ayaa gobolka Banaadir u tababar aya 50 qof oo xiriir la leh ka jawaab celinta Maareynta Masiibooyinka sida Dabdemiyeyaasha, Dha khaatiirta Gargaarka degdega ah ee Caafimaadka (EMTs) iyo shaqaalaha Caafimaadka, Kal kaaliyeyaasha, Saraakiisha Taraafikada iyo kuwa Booliiska ee Muqdisho ayeey tiri " Dr Sadiyo Siad oo Hiiraan Online la hadashay.

Mashruucan oo noqonaya kiisii ugu horeeyay ee ugu ballaarnaa marka la eego saameynta dhaqaale iyo nolaleed ee Qaraxii Zoobe ayaa waxaa ka mahad celiyay dadkii ka faa’ideystay oo sheegay in gurmadka noocan oo kale ah wax weyn ka tarayso nolashooda.

"FAYSAL CALI WARAABE” DOWLADDA SOOMAALIYA WAXA AY NAGU WADAA MAJA XAABIN KA DHAN AH SOMALILAND

Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa markii ugu horeesay ka hadlay dagaalka daraad ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland ku dhexma ray degaano ka tirsan gobolka Sool.

Faysal waxaa uu Ku amaanay in ciidamada Somaliland ay qaadeen talaabo loo baahnaa in mar hore la qaado Maadaama uu sheegay in degaanka Ciidamada Somaliland ay ka qabsadeen ciidamada Puntland ee Tukaraq ay Somaliland leedahay.

Faysal Cali Waraabe Waxaa uu bogaadiyay Talaabada Deegaankaas Ula Wareegeen, isag oona sheegay in Puntland ay dhibaato ku ahayd Shacabka Somaliland waxa uuna dusha kaga tu uray eeda ah hurinta coladaha ka qarxay gobolka Sool Madaxweynyaasha Puntland iyo Somali land.

Dhanka kale waxa uu sheegy in JFS ay wado qorsho lagu maja xaabinayo Somaliand waxa uuna sheegay in maamulkoodu ka war hayo arinkaa uu ku tilmamay mid xad gudub ku ah madax banaanida Somalilnd.

CABDI WARSAME IYO MADAXDA DHIGGIISA AH OO MUNAASABADA CALEEMA SAARKOODA LAGU QABTAY MINNEAPOLIS, MADAXA MAALIYADA MPLS NA NOQDAY

Maalintii daraad oo ku aadanayad Isniin Janaayo 08, 2018, ayaa lagu qabtay xarunta laga xukumo magaalada Minneapolis xaflada munaasabadda dhaarinta iyo caleema saarka madaxda magaaladan hogaamin doonta affarta sano ee inagu soo aadan, kuwaas oo la doortay bishii bila wgii bishii November ee sanadkii ina dhaafay. Xafladdaan ayaa ahayd mid xiisa badan kana duwan ayd xafladahii hore.

Magaalad Minneapolis waxa ay ka koobantahay 13 degmo, Isniintii daraadna waxaa si wadar ah loo dhaariayay duqa magaalada Minneapolis loo doortay ee Jakab Frey iyo sidoo kale sedex iyo toban ka gudoomiye kuwaas oo laga soo doortay 13ka degmo ee magaaladu ay ka koobantahay. Golahaan waxaa ka mid noqday sanadkaan saddex shakhsi oo ka soo jeeda qaw miyada dadka madaw, meesha kalkii hore Abdi Warsame kaliya uu kaga jiray muwaadiniinta madow.

Abdi Warsame oo markii labaad dib loogu soo doortay guddoomiyaha degmada 6xaad afar sano oo hor leh, ayaa sheegay in doorashadaan uu ku soo baxay ay ahayd doorasho aad u adeg, oo ay ka soo hor jeesteen 6 xildhibaan oo magac dheer iyo miisaan culus ku leh gobolkaan Minnes ota. Xildhibaanadan oo ku maray wacad in Abdi marnaba aanu dib u soo bixin, ayaa dadaalkoodii uusan u shaqayn sidii ay rabeen. "Doorashadan waxa ay ahayd doorasho adeg, waxa ay na ku soo toostay xilli dabaylo siyaasadeed ay ka jiraan dalka guud ahaan”, ayuu yiri Abdi. Isaga oo ku sii nuuxnuuxsaday ayaa waxa uu ku daray, "waxa ay ahayd xilli dadka soo galootiga ah lagu hayo ilo gaar ah”.

Xafladan waxaa ka soo qayb galay madax iyo shacab badan kuwaas oo ay ka muuqatay taageero, farxad, raali ahaansho iyo qanaaco ay ku qabaan madaxdan cusub oo ay iyagu soo door teen. Jacob Frey waa shakhsi dhalin yaro ah kaa soo loo doortay duqa magaalada Minneapolis, is la markaana daraad lagu dhaariyay isla madasha ayaa madasha ka akhriyay khudbad taariikhi ah aadna u qiiro badan.

Kadib goortii ay dhammaatay munaasabddii dhaarinta, ayaa mas’uuliyiinta la doortay ay guda galeen magacaabidda manaasib gaar ah, sida madaxweynha guddiga guddoomiyaasha degmooyinka magaalada, ku xigeenkeeda iyo miisaaniyadda, isla markaana, Abdi Warsame ayaa noqday madaxa miisaaniyadda iyo dhaqaalaha magaalada Minneapolis middaas oo ka dhigaysa masuulka ugu awoodda badan dhinaca dhaqaalaha gobolka Minnesota guud ahaan maadaama ay ay Minneapolis Mn ugu dhaqaalo badan tahay.

Afar sano ka hor ayay ahayd goortii loo doortay xilkan Abdi Warsame. Isla jagadii ayaana mar kale dib loogu soo doortay. Waxaana laga sugayaa in balanqaadyadii uu sameeyay goortii uu ku jiray tartanka doorashada uu fuliyo.

Ugu danbayntii, waxaa uu doono ha aaminsanaado madaxweynaha dalkan Mareykanka Do nald Trump, ee tirade dadka madaw iyo muslimiinta ka soo dhalaalaya jagooyinka iyo kuraasta hog aanka dalkan ayaa soo kordhaya marba marka ka danbaysa. Abdi Warsame ayaana noqanaya tusaale iyo farriin farxad galinaysa mustaqbalak dhalinyarada Soomaaliyeed ee iminka aadda wax barashada.

FIQI OO KA DIGAY IN NABAD SUGGIDA DANO GAAR AH LOO ADEEGSADO

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa wuxuu ka digay in Hay'adda Nabad Suggida Somaliya loo adeegsado dano shaqsiyadeed.

Hadalkaan ayaa Xildhibaanka wuxuu ku soo qoray Bartiisa gaarka ah ee xiriirka Bulshada, isaga oo u hambalyeynaayay Hay’adda Nabad Suggida Somaliya oo habeen hore u dabaaldegtay 48-sano guuradii kasoo wareegatay markii la aasaasay.

Fiqi wuxuu sheegay magaca wanaagsan ee Hay’adda NISA inay muhiim tahay sharaftiisa in la ilaaliyo, islamarkaana aanan laga dhigin ciidanka NISA, kuwa shaqsiyaad dowladda ka tirsan u adeega.

"Sumcad, magac wanaagsan & mas’uuliyad ayey hey’adani umaddu ku baratay, waxaana bogaadinayaa shaqaalaheeda kala duwan oo si xirfadaysan shaqadooda u qabsada, waana waajib in magacaas wanaagsan la dhowro oo aan hey’addan laga dhigin mid dad dawladda xilal ka haya oo dano gaar ah leh ay ku shaqeystaan ama gacmaha u galiyaan dhiig iyo magac xumo taar iikhdeeda daba socda .” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Nabad Suggida Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa lagu eedeynaayay inay fulinay say dano gaar ah, iyadoo awaamiirta ka qaadanaysa masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa weeraray 18kii Bishii December ee 2017kii guriga C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo ah Siyaasi ku nool Magaalada Muqdisho, waxayna halkaasi ku dileen Afar askari oo ka tirsan ciidamadii illaalada u ahaa C/raxmaan C/Shakuur.

GUDDOOMIYE XIGEENKA 2AAD EE GOLAHA SHACABKA OO DEEQ LACAGEED GAARSIIYAY CARUUR ISUGU JIRTA AGOON IYO DANYAR …

ilaa 48qoys oo danyar ah ayaa ka faa’ideystay deeq lacageed oo uu dadkaasi ugu tala galay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdala Cawad oo deeq daasi u wakiishay Hay’adda Towfiiq Foundation oo ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya daryeelka bu lshada iyo kaalmeynta dadka tabarta yar.

goobta deeqdan lacagta ah lagu qeybinayay ayaa waxaa ku sugnaa Caruur Agoon ah oo uu gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ka bixiyo qarashaadka waxbarashada iyo eheladooda,waxaana qaar ka mid ah dadkii deeqdan ka faa’ideysaatay ay gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka uga mahad celiyeen deeqdan iyo sida uu caruurtan u taagee ro,waxayna ka codsadeen in uu sii laba laabo

Maxamed Maxamud Barre oo ku hadlayay magaca hay’adda Towqiif Foundation oo ka wak iil aheyd gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in deeqdan ay u qey biyeen sidii loogu tala galay.BOGGA CAYAARAHA

KOOXDA JUVENTUS OO DOONAYSA DAAFACA MAN UNITED EE MATTEO DARMIAN & WAKHTIGA AY HELI KARTO OO LA OGAADAY

MAIN-Alexis-Sanchez-Thomas-Lemar-Jonny-Evans.jpg Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso Matteo Darmian, lakiin waxa ay u badan tahay in uuna ka tegi doonin Manchester United bishaan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa ku dhibtood ay inuu xilli ciyaareedka ku ciyaaro Old Trafford, isagoo keliya labo kulan oo Premier League ah kusoo bilowday.

Haatan Tuttosport ayaa soo warineysa in Bianconeri ay isha ku heyso xaaladiisa, madaama 28 jirkaan uu ku dhow yahay inuu ka tago Old Trafford xagaaga.

Darmian wuxuu ka ciyaari karaa labada dhinac difaaca, daafaca dhexe ama daafaca dhexe ee ka mid ah nidaamka 3da daafac lagu ciyaaro.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u badan tahay in ayna Red Devils u ogolaan doonin in uu xiddigu kooxda ka tago suuqa January sidaa darteed waxa ay u badantahay in uu heshiisku dhoco xagaaga dambe.

XAVI OO SI LAMA FILAAN AH UGA HADLAY HADII LEO UU GAROONKA KU SAMEEYO KHIYAANO + SABABTA

Halyeeygii hore ee kooxda kubada cagta Barcelona, ee Xavi Hernandez, ayaa wuxuuu war eysi uu siiyay Shabakada El Pais, ee wadanka Spain wuxuu kaga Hadley sheeko ku saabsan xidi gii ay kasoo wada shaqeeyeen Barcelona ee Messi.

Xavi ayaa wuxuu horeyn, uu ku tilmaamay Messi, mid aanan lagu joojin in loo xilsaaro ciyaar yahan qaas ah, wuxuuna sheegayaa in isaga uusan ka baqin in la dabadhigo ciyaaryahan si uu isa ga uceliyo

Mar la weydiiyay hadii Messi uu garoonka ku sameeyo Khiyaanooyin ayaa wuxuu sheegay in taasi aanan la dhihi karin Khiyaano balse ay tahay inuu dheelayo Banooni fiican, uu ku amaanen yahay midaas.

Wuxuu yiri: "Messi waa Siyad waxaan isla soo dheeleynay tan iyo caruurnimadeena, waxaa na umaleynayaa inuu yahay mid aanan lagu joojin karin la dabadhigo ciyaaryahan, waana mid aan an taasi marnaba ka baqin.

Wuxuu hadalkiisa ku darey: "Wuxuu yahay mid isku dheelatira garoonka iyo kubadda, taasi ayaana ah midda ka dhigtey ciyaaryahanka aduunka ugu wanaagsan waxaana umaleynayaa inuu sameyn karo wax badan.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay: "Waxaa jira kuwa sheegaya in garoonka uu ku sameeyo Khiyaano, laakiin uma maleynayo taasi inuu sameeyo, laakiin wuxuu dheelaa kubad wanaagsan waana waxa loo wada baahan yahay.

WARBIXIN: SANCHEZ,LEMAR,WALCOTT,AUBAMEYANG & 7 SAXIIX OO LA FILAYO IN AY DHACAAN TODOBAADYADA SOO SOCDA

Kaliya hal todobaad ayaa la soo dhaafay suuqa Kala iibsiga January laakiin waxa aynu dur ba aragnay saxiixa ugu weyn suuqan oo la dhamaystiray.

Philippe Coutinho ayaa 142 milyan euro uga tagay Liverpool kuna biiray kooxda Barcelona saxiixaad oo ahaa midkii ugu hadal haynta badanaa todobaadkii ugu horeeyay suuq kala iibsiga.

Laakiin waxa wali sii socon doona hadal haynta iyo waliba saxiixyada la samayn doono maal maha soo socda ilaa inta ay bishu ka dhamaanayso.

Hadaba waxa aanu warbixintan ku soo bandhigi doonaa 7 saxiix oo dhici kara ka hor inta ay na gaarin 31 bisha January oo ah maalinta uu suuqa kala iibsigu xirmi doono.[

1.Alexis Sanchez – Arsenal to Manchester City: Kadib markii la dhamaystiray heshiiskii

2.Coutinho, Heshiiska Sanchez uu ugu biiri karo City ayaa laga yaabaa in uu noqdo midka ugu hadal haynta badan todobaadyada soo socda, xiddigan ayaa si weyn u doonaya in uu isaga tago Gunners kooxda ugu cadcadna waa man city.

3.Thomas Lemar – Monaco to Arsenal ama Liverpool: Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayay labadooduba xiiso u qabaan xiddiga kooxda Monaco, xiddiga reer France ayaa lagu heli kara lacag dhan 90 milyan oo euro hadii ay Monaco fasaxayso inta lagu guda jiro suuqa January.

4.Jonny Evans – West Brom to Arsenal ama Manchester City: Evans ayaa noqday xiddiga lo ogu raadinta badan yahay daafacyada Premier league tan iyo xagaagii iyada oo ay isku baacsanayaan kooxaha Man city iyo Arsenal waxana la filayaa in uu midkood ku biiro ka hor inta uuna suuqu xirmin.

5.Kieran Tierney – Celtic to Manchester United: Shaki La,aan kooxda Man United ayaa raadi naysa daafac bidix kadib dhibaatada ka haysa booskaas waxana uu jose Mourinho isha ku hayaa in uu booskaas buuxiyo inta uuna suuqu xirmin inkasta oo uu Mourinho doonayo xid diga Tottenham ee Danyy Rose hadana xiddiga kooxda Celtic ee Tierney ayaa ah mid uga jaban kana da,yarka Rose waxana dhici karta in uu jose soo xero galiyo xiddigan.

6.Wilfried Zaha – Crystal Palace to Tottenham: Kooxda Crystal Palace ayaa wax walba u sam aynaysa sidii ay Zaha uga ceshan lahayd kooxda waaweyn xilli kooxaha Man city iyo chel sea ay xaaladiisa la socdaan laakiin kooxda Tottenham ayaa la aaminsanayahay in ay haa tan tartanka loogu jiro hogaaminayso.

7.Theo Walcott – Arsenal to Southampton: Sida xiddigo badan oo England ah kana ciyaara Premier League Walcott ayaa si aad ah u doonaya in uu isaga tago kooxda Arsenal si uu fursad ugu helo ka qayb galka koobka adduunka Waxa amaah ku doonaysa kooxdiisii hore ee Southampton waxana laga yaabaa in uu heshiisku dhoco inta lagu jiro January.

8.PierreEmerick Aubameyang – Dortmund to Guangzhou Evergrande: Kooxda Borussia Dort mund ayaa wax walba u qabatay sidii ay u sii haysan lahayd Aubameyang laakiin kadib isku dhici ugu dambeeyay ee isaga iyo maamulka kooxda waxa ay u badantahay in uu bishan isaga tago kooxda reer Germany isaga oo ku sii jeeda kooxda ka dhisan horyaalka shiinaha ee Guangzhou Evergrande.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip