Tiro dad ah oo ku dhaawacmay qarax bam lagu weeraray Masaajid ku yaal Addis Ababa

0
Saturday December 12, 2015 - 18:47:17 in Wararka by
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tiro dad ah oo ku dhaawacmay qarax bam lagu weeraray Masaajid ku yaal Addis Ababa

    Ku dhowaad 24 ruux ayaa ku dhaawacantay qarax bamb oo lagu weeraray masaajid ku yaal magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Masaajidkan oo lagu magacaabo Anwar ayaa ku yaal xaafada Markaato, waana masaajidka ugu weyn Addis Ababa, bam gacmeedka a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhowaad 24 ruux ayaa ku dhaawacantay qarax bamb oo lagu weeraray masaajid ku yaal magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Masaajidkan oo lagu magacaabo Anwar ayaa ku yaal xaafada Markaato, waana masaajidka ugu weyn Addis Ababa, bam gacmeedka ayaa lagu tuuray salaadii jimcaha ka dib.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Getachew Reda ayaa u sheegay Telefishinka Al-Jazeera in aanay jirin cid ku dhimatay weerarka lagu qaaday masaajidka Anwar salaadii jimcaha kadib.

Wasiirka ayaa sheegay in weerarkan looga dan lahaa, in jahwareer iyo argagax lagu abuuro, ka dib todobaad dibad baxyo rabshado ka dhacayay Gobolka qowmiyada Oromada degto.

Gobolka Oromia ayaa dowladda qorsheyneysa inay ku darto Caasimada Addis Ababa, halka dadka Oromada ah ay taas ka soo horjeedaan, waxaana jiray isku dhacyo dhex maray Booliska iyo dad dibad baxayaal ah.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay weerarka, hase ahaatee ciidamada booliska iyo saraakiisha ammaanka ayaa si deg deg ah goobta u gaaray markii qaraxa dhacay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip