DHAGEYSO: Culimadda oo ku baaqay in hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada aanan hoostagin dowladda

0
Tuesday January 02, 2018 - 20:25:06 in Wararka by
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Culimadda oo ku baaqay in hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada aanan hoostagin dowladda

    Culimadda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada aanan hoostagin dowladda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ku sugan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culimadda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada aanan hoostagin dowladda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ku sugan.

Culimada ayaa waxa ay sheegeen in ay qalad tahay in ciidamo aan ka amar qaadan Taliyaasha Ciidamada dowladda iney hub ku dhex wataan gudaha dalka.

Waxa ay sidoo kale tilmaameen in madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya ay dhaawaC ku tahay in ciidamo u adeegayo dalal shisheeye in ay ku sugnaadaan gudaha dalka.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in aan la aqbali Karin in ciidamo aan ka amar qaadan madaxda sare ee dalka in ay gudaha dalka ka howlgalaan.



Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay xad gudub tahay in Safaarad walbo ay ciidamo gooni ah sameysato.

Hadalka Culimadda Soomaaliyeed ayaa imaanaya ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamadii weeraray guriga senator Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid oo ka tirsan golaha aqalka sare ay ahaayeen ciidamada ay tababareen dowladda imaaraadka carabta ee muqdisho ku sugan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip