Jubbaland oo sheegtay inay qabatay qarax Kenya loo waday
Ciidamada ammanka Jubbaland ayaa duleedka Magaalada Baled xaawo ku qabtay Qarax Miino ah oo ay sheegeen in dhinaca Kenya loo waday.
Hawlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka Jubbaland, ayaa waxa ay sheegeen inay ku suuragashay ka hortagga qaraxaasi oo la rabay in gudaha Kenya la galiyo.
Wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Qaraxaasi loo waday in la galiyo Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
C/rashiid Xasan Nuur Janan oo ah Wasiirka amniga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Faarax Warsame Darwiish iyo mas’uuliyiin kale ayaa tagay goobta lagu qabtay qaraxa.
Taliyaha ciidamada Nabad Suggida Jubbaland ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay xog dhanka amniga ku saabsan oo ciidamada ay heleen inay ugu suuragashay soo qabashada qaraxaasi.
Masuuliyiinta ayaa ku ammaanay Saraakiisha ciidamada sida wanaagsan ee ay ku soo qabteen qaraxaasi iyo dadkii maleegayay.
Jubbaland oo sheegtay inay qabatay qarax Kenya loo waday
Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Qarax loo waday gudaha Kenya kaas oo ay ku qabteen Gobolka Gedo, sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Jubbaland.