Gelitaanka iyo Baaritaanka lagu sameeyay mid kamid ah guryaha Senator Qeybdiid ayuu ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo mid sharci darro ah waxana uu amray in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo.

Ciidamada weeraray ayaa la sheegay in ay yihiin ciidamo ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta oo Muqdisho ka howlgalla.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay loogu wareejiyay ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka oo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.