Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Qoreen Maanta Oo Arbaco Ah.

0
Wednesday December 09, 2015 - 13:00:14 in Sports News by
  • Visits: 896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Qoreen Maanta Oo Arbaco Ah.

    Brendan Rodgers ayaa ku soo laaban kara kooxda Swansea City haddii kooxda ku dhibtooneysa Premier League ay go'aansadaan inay bedelaan Gary Monk.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Brendan Rodgers ayaa ku soo laaban kara kooxda Swansea City haddii kooxda ku dhibtooneysa Premier League ay go'aansadaan inay bedelaan Gary Monk.

Wargeysyada
daily mail


  • Kooxda Turkiga ee Besiktas ayaa soo cusbooneysiisay xiisaheeda goolhayaha Arsenal David Ospina.
  • Weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge ayaa shaki weyn uu ku jiraa inuu ciyaari karo kulamada waqtiga ciid gaaleedka ka dib markii ninka nasiibka daran uu soo gaaray dhaawaciisii 7aad ee 15 bilood gudaheed.
the sun
  • Tababaraha kooxda Crystal Palace Alan Pardew ayaa qorsheynaya inuu lacag rikoor u ah kooxda oo gaareysa 15 milyan ginni ku dalbado weeraryahanka Marseille Michy Batshuayi.
  • Weeraryahan Saido Berahino ayaa dib u soo kiciyay wararka la xiriirinayay inuu ka tagayo West Brom oo uu ku biirayo Tottenham ka dib markii uu Twitter ku jeclaaday qoraalo badan oo la xiriirinaya Spurs.
  • Tababare Arsene Wenger ayaa kalsooni ku qaba in Arsenal ay iska badbaadin karaan inay ka haraan Champions League kulanka caawa ee Olympiakos.
  • Dhaqtaradii laga ceyriyay Chelsea Eva Carneiro ayaa heshay taageerada buuxda ee gudiga dhakhaatiirta FIFA ee dagaalka ay kula jirto kooxda iyo tababare Jose Mourinho.
daily mirror
  • Liverpool ayaa 5 milyan ginni ku dooneysa xiddiga khadka dhexe ee Red Star Belgrade Marko Grujic.
  • West Ham ayaa diiday inay bisha Janaayo suuqa kala iibsiga lacag ku qarashgareyso inkastoo dhaawacyo ay hareeyeen kooxda.
daily express
  • Dhibaatada daafac ee Man United ayaa sii xumaatay xalayto ka dib markii daafaca garabka ka ciyaara Matteo Darmian uu dhaawacmay.
daily star
  • Goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois ayaa qirtay inay ceeb noqon doonto haddii Chelsea ay u dhacdo Europa League xilli ciyaareedkan.
the guardian
  • Gary Neville ayaa sheegay inuusan wax walwal ah qabin ka hor kulankiisii ugu horeysay ee isagoo tababare u ah Valencia caawa ee Champions League.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip