
Gaalkacayo Waxay u baahanTahay Darbigii Baarliin!!
Ma yara Sheekooyinka laga bixiyey Magaalada Gaalkacayo waxaa
Magaalada la ii sheegey in waagii hore uu Magaalada ka furnaan jirey
Dukaan lagu magacaabo "FACAA ISKA DHICI” Waxaa Dukaankaas lagu iibiyaa
Tooreeyada, Mindiyaha, Sakiimaha , Baangadaha iyo Warmaha, waxaa kaloo
ka mid ahaa Sheekooyinka laga soo wariyey Magaalada Gaalkacyo, Xiligii
Gumeystahii Talyaaniga ayaa waxaa ku batey Dacwada labada reer oo deggen
Magaalada Gaalkacyo markaasuu yiri " Qalaf Jalaf iyo Waxaan afku
karin”, sidoo kale nin Carab ayaa tegey Magaalada Gaalkacyo waxaa isna
ku badatey Dacwada reer Hebel ayaa Geelii dhacay markaasuu yiri "Kulli
Fidna Cindi Geel” isagoo sheegey haddii aan geel jirin in Xaaladda
Gaalkacyo wax badan ay hagaagi lahayd oo dadka Nabad ku noolaan
lahaayeen ,
Nin Odey ah ayaa maalmahii ay kacasaneyd Xaaladda Gaalkacayo wax iga weydiiyey markaas baan iri” Adeer maanta Gaalkacayo waa nabad " inta i soo fiiriyey ayuu yiri " Waa Nabad aaa, umaleyn maayo in Gaalkacayo Nabad Noqoneyso "Markaas baan ku iri " Adeer maxaad Nabad ugu diiddan tahay " isagoo careysan buu yiri " Adeer Dad isku tixgelin waayey Islaanimo, Soomaalinimo,Dersnimo, Xigto iyo Xigaalo iyo Abtinnimo, marka aniga waxaan qabaa in dadkaas la dhex dhigo Darbigii Baarliin”
Inta naxay ayaan iri " Adeer taasi kuguma raacsani waayo ma aha Magaalo la kala go’yn kara,Colaada Jirtana waa iska dhammaan doontaa Derbi la dhex dhigo Magaalada waxba soo kordhin maayo ” inta si xun ii eegey buu yiri " Aniga Xal kale ma hayo oo aan ka ahayn in Darbi la kala dhex dhigo waayo aniga oo yar baan maqli jirey Colaada Gaalkacayo”
Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu tiriyaa Magaalo uu Gumeystihii reer
Yurub ay ku adkeyd in uu siduu doono ugu dhaqdhaqaaqo, taasina waxay
keentey in maalin Cad uu ka cararo Gumeysigii ayna qaadato magaca
GAALKACYO, marka waxaa ayaandarro ah in Magaaladaas diiddey in Gumeysigii
Yurub uu saldhigto in maanta ay ku soo laab laabtaan dagaallo aan lagu
gaareyn wax natiijo ah hana la yaabin Hadalka ninka odeyga ee yiri "
Magaalada waxay u baahan tahay Derbigii Baarliin” waayo waxaa ku soo
laab laabtey Colaada Gaalkacayo oo xal u arkey in Debigaas ay ku badbaadi karaan dadka deegannadaas deggan
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


0 


Gaalkacayo Waxay u baahanTahay Darbigii Baarliin!!
Gobolka Mudug waxaa uu markii hore ahaa Mudug iyo Galgaduud ,waxaa la kala gooyey Sannadkii 1974-tii,ka dib markii la ogaadey Baaxada Gobolka hase yeeshee Gobolkaa dadka ku nool Gobolada kale ee Soomaaliya waxay ku tilmaameen in uu yahay Gobol uu ka