Warbixin: Xidiga Man United Schweinsteiger Oo Ay Macquul In Ganaax Sadex Kulan Ah Garka Loo Galiyo Kadib Falkii Uu Sameeyay Ciyaartii West Ham

0
Monday December 07, 2015 - 11:04:39 in Sports News by
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Xidiga Man United Schweinsteiger Oo Ay Macquul In Ganaax Sadex Kulan Ah Garka Loo Galiyo Kadib Falkii Uu Sameeyay Ciyaartii West Ham

    Kubad sameeyaha kooxda Manchester United Bastian Schweinsteiger ayaa laga yaabaa inuu la kulmo ganaax sadex kulan ah kadib markii uu suxul ula kac ah ku dhuftay daafaca West Ham Winston Reid ciyaartii gool la'aanta ku dhamaatay ee ka dhacday gar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kubad sameeyaha kooxda Manchester United Bastian Schweinsteiger ayaa laga yaabaa inuu la kulmo ganaax sadex kulan ah kadib markii uu suxul ula kac ah ku dhuftay daafaca West Ham Winston Reid ciyaartii gool la'aanta ku dhamaatay ee ka dhacday garoonka Old Trafford.

Wiilkaan Jarmalka ah ayey kaamirooyinka qabteen isagoo si ulakac ah dhuunta suxul ka galiyay Reid ka hor inta aysan United soo tuuran laad xor ah oo u yaalay meel geesta bidix ka ah goolka West Ham.

Garsoore Mark Clattenburg ayaan dhacdadaas arkin sidoo kalana saraakiisha kale ee ciyaarta ayaan arkin balse taas micnaheeda maahan inuu ka badbaadayo ganaax.

Bastian
Winsston Reid iyo Slaven Bilic ayaa si cad uga hadlay iyagoo sheegay in Bastian uu u qalmay in ciyaarta laga saaro.

"Wuu yaqaanaa wuxuu sameeyay, wuxuu iga suxuleeyay wajiga” Ayuu yiri Winston Reid.

"Waxey aheyd casaan iska cad, waliba toos ah oo aan shaki la galin karin” Ayuu yiri macalinka West Ham Slven Bilic.

Mark Clattenburg ayaa la xiriiri doona FA-ga isagoo u cadeyn doona inuusan arkin dhacdadaas, balse wiilkaan ku guuleystay koobka Aduunka ganaax ayuu la kulmi doonaa.

Ugu dambeyntiina hadii la isku raaco in isbuucaan gudahiisa ganaaxa lagu soo rogo, Bastian wuxuu seegi doonaa kulamada: Bournemouth, Noriwch City iyo Stoke City.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip