Santi Cazorla Oo Qaliin Ku Mari Doona Spain, Loona Badinayo Inuu Seegayo Inta Ka Dhiman Xili Ciyaareedkaan

0
Monday December 07, 2015 - 10:45:12 in Sports News by
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Santi Cazorla Oo Qaliin Ku Mari Doona Spain, Loona Badinayo Inuu Seegayo Inta Ka Dhiman Xili Ciyaareedkaan

    Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kubad sameeyaha Gunners Santi Cazorla ayey u badan tahay inuu seegi doono inta ka hartayu xili ciyaareedkaan kadib qaliin dhanka jilibka ah oo loogu sameyn doono dalkiisa hooyo ee Spain.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kubad sameeyaha Gunners Santi Cazorla ayey u badan tahay inuu seegi doono inta ka hartayu xili ciyaareedkaan kadib qaliin dhanka jilibka ah oo loogu sameyn doono dalkiisa hooyo ee Spain.

 30-jirkaan heerka caalami ayaa dib ugu laabtay Spain si uu halkaas qaliin ugu maro waxeyna wax kasoo gaareen carjawda jilibka waana mid ka mid ah dhaawacyada ugu xun ee kubada cagta lagala kulmo.

Santi

Arsene Wenger ayaa si hordhac ah uga dhawaajiyay in xidigaan uu sadex bilood garoomada ka maqnaanayo, balse Mirror ayaa ka dhawaajisay in macalinkaan reer France uusan rajo ka qabin Cazorla inuu ciyaaro dhamaan xili ciyaareedkaan.

Dhanka kale Alexis Sanchez iyo Francis Coquelin ayaa iyaguna dhaawacyo ku maqan kuwaas oo la filayo iney soo kabsadaan Janaayo.

Ugu dambeyntiina Arsenal haatan waa kooxda kaalinta labaad ee horyaalka, 2-dhibcood ayeyna ka hooseysaa Leicester City oo ah kooxda hogaamineysa horyaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip