SUUQA KALA IIBSIGA: Real Madrid Dooqeeda Koowaad Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Waa Eden Hazard

0
Monday December 07, 2015 - 10:32:12 in Sports News by
  • Visits: 1667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SUUQA KALA IIBSIGA: Real Madrid Dooqeeda Koowaad Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Waa Eden Hazard

    Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kooxda Real Madrid ayaa dooqa koowaad ee suuqa kala iibsiga ka dhigatay Eden Hazard madama mustaqbalkiisa garoonka Old Trafford uusan saldhig fiican laheyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kooxda Real Madrid ayaa dooqa koowaad ee suuqa kala iibsiga ka dhigatay Eden Hazard madama mustaqbalkiisa garoonka Old Trafford uusan saldhig fiican laheyn.

Hazard xili ciyaareedkaan uma ahan mid wanaagsan waxaadna moodaa in habacsanaan yar soo gashay sidoo kalana wax gool ah uma dhalin dhamaan kulamadii uu kooxdiisa u ciyaaray xagaagan, inkastoo uu xagaagii lasoo dhaafay wacdaro weyn dhigay.

Warbixinta waxey intaas ku dareysaa in Chelsea ay diyaar u tahay iibinta 24-jirkii hore kooxda Lille bals 84 Malyan Oo Pound ayey ku fasixi doontaa.

Skybet ayaa qirtay in Real Madrid ay dooneyso Eden Hazard waxeyna la dooneysaa inuu buuxiyo midkood Ronaldo iyo Bale booska uu Madrid kaga baneyn doono dhamaadka xagaagan.

Hazard

Dhanka kale Paris Saint Germain, Barcelona iyo Man United ayaa xiiso gooni ah u qaba wiilkaan reer Belgium.

Ugu dambeyntiina Hazard ayaa taageero u ah kooxda Los Blancos waana mid ka mid ah riyooyinkiisa inuu u ciyaaro kooxdaan.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip