Hordhac: Stoke City vs Man City: Citizens Oo Dooneysa Iney Xajisato Hogaanka Horyaalka Ingiriiska

0
Saturday December 05, 2015 - 10:38:45 in Sports News by
  • Visits: 1309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Stoke City vs Man City: Citizens Oo Dooneysa Iney Xajisato Hogaanka Horyaalka Ingiriiska

    Manchester City ayaa marti ku noqoneysa maanta garoonka Britannia Stadium kulan soo gali doona waqtiga qadada saacadda Uk, waxeyna fursad u heysataa iney xajisato hogaanka horyaalka madama ay haatan dhanka dhibcaha barbaro kula tahay Leicester City.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester City ayaa marti ku noqoneysa maanta garoonka Britannia Stadium kulan soo gali doona waqtiga qadada saacadda Uk, waxeyna fursad u heysataa iney xajisato hogaanka horyaalka madama ay haatan dhanka dhibcaha barbaro kula tahay Leicester City.

Kooxda Citizens ayaan kaliya guul gartay hal jeer sadexdii kulan ee ugu dambeeyay kulamada horyaalka, wiilasha Pellegrini ayaana u ooman guusha si ay tartan adag ugu galaan horyaalka xili ciyaareedkaan.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Stoke City vs Manchester City

Tartanka: Premier League

Garoonka: Britannia Stadium

Saacadda: 3:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

Stoke
MAXAA CUSUB?

David Silva ayaa dib ugu soo laaban kara City kulanka Maanta iyadoo la filayo inuu dhexda la wadaago De Bruyne.

Sidoo kale Aguero iyo Toure ayaa la xaqiijiyay ineysan City la safrin, Kompany ayaa dhaawac ku maqan, Hart ayaa soo laabtay halka Managala uu ganaax ku seegayo kulankaan.

Dhanka kalana Ryan Shawcross ayaa dib ugu soo laabanaya kooxdiisa madama uu seegay kulankii Capital One Cupka ee todobaadkii tagay dhamaadkiisa dhacay.

MA OGTAHAY?

Stoke City kaliya laba jeer ayey garaacday City, 14-kii kulan oo ay isku arkeen horyaalka heerka koowaad, iyadoo 12-kii kulan ee ugu dambeysay ay hal jeer kaliya ka badisay.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay 5-gool, 5-kulan oo uu ka hor yimid kooxdaan.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Stoke City:

Butland; Johnson, Shawcross, Wollscheid, Pieters; Whelan, Adam; Shaqiri, Bojan, Arnautovic; Walters

Manchester City:

Caballero; Sagna, Otamendi, Demichelis, Fernandinho; Silva,Delph; De Bruyne, Silva, Sterling; Wilfried Bony




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip