Hordhac: Stoke City vs Man City: Citizens Oo Dooneysa Iney Xajisato Hogaanka Horyaalka Ingiriiska
Kooxda Citizens ayaan kaliya guul gartay hal jeer sadexdii kulan ee ugu dambeeyay kulamada horyaalka, wiilasha Pellegrini ayaana u ooman guusha si ay tartan adag ugu galaan horyaalka xili ciyaareedkaan.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Stoke City vs Manchester City
Tartanka: Premier League
Garoonka: Britannia Stadium
Saacadda: 3:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
David Silva ayaa dib ugu soo laaban kara City kulanka Maanta iyadoo la filayo inuu dhexda la wadaago De Bruyne.
Sidoo kale Aguero iyo Toure ayaa la xaqiijiyay ineysan City la safrin, Kompany ayaa dhaawac ku maqan, Hart ayaa soo laabtay halka Managala uu ganaax ku seegayo kulankaan.
Dhanka kalana Ryan Shawcross ayaa dib ugu soo laabanaya kooxdiisa madama uu seegay kulankii Capital One Cupka ee todobaadkii tagay dhamaadkiisa dhacay.
MA OGTAHAY?
Stoke City kaliya laba jeer ayey garaacday City, 14-kii kulan oo ay isku arkeen horyaalka heerka koowaad, iyadoo 12-kii kulan ee ugu dambeysay ay hal jeer kaliya ka badisay.
Sergio Aguero ayaa dhaliyay 5-gool, 5-kulan oo uu ka hor yimid kooxdaan.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Stoke City:
Butland; Johnson, Shawcross, Wollscheid, Pieters; Whelan, Adam; Shaqiri, Bojan, Arnautovic; Walters
Manchester City:
Caballero; Sagna, Otamendi, Demichelis, Fernandinho; Silva,Delph; De Bruyne, Silva, Sterling; Wilfried Bony
Hordhac: Stoke City vs Man City: Citizens Oo Dooneysa Iney Xajisato Hogaanka Horyaalka Ingiriiska
Manchester City ayaa marti ku noqoneysa maanta garoonka Britannia Stadium kulan soo gali doona waqtiga qadada saacadda Uk, waxeyna fursad u heysataa iney xajisato hogaanka horyaalka madama ay haatan dhanka dhibcaha barbaro kula tahay Leicester City.