Hordhac: Man United vs West Ham: Hammers Ma Raacsiin Doonaan Red Devils Wadadii Kooxaha Waaween

0
Saturday December 05, 2015 - 10:35:56 in Sports News by
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Man United vs West Ham: Hammers Ma Raacsiin Doonaan Red Devils Wadadii Kooxaha Waaween

    West Ham United ayaa wadooyin lama filaan ah marsiisay kooxaha waaweyn ee horyaalka Ingiriiska madama ay koox walba guul ka gaareen. Chelsea, Arsenal, Liverpool iyo Manchester City ayey guulo ka gaareen waxeyna rajeynayaan iney United marsiiyaan w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

West Ham United ayaa wadooyin lama filaan ah marsiisay kooxaha waaweyn ee horyaalka Ingiriiska madama ay koox walba guul ka gaareen. Chelsea, Arsenal, Liverpool iyo Manchester City ayey guulo ka gaareen waxeyna rajeynayaan iney United marsiiyaan wadadaas oo kale halka Manchester ay ku jirto digtooni xoogan.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Man United vs West Ham

Tartanka: Premier League

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Saacadda Geeska Afrika)

United vs West
MAXAA CUSUB?

Kabtan Rooney ayaa kulankaan seegaya sida la xaqiijiyay kadib dhaawac soo gaaray sidoo kalana Rojo ayaa garbaka ka dhaawacmay.

Herrera iyo Jones ayaan wali diyaar aheen, balse Jesse Lingard ayaa dib uga soo laabanaya kooxda kadib dhaawac muruqa ah oo uu ku seegay kulankii ugu dambeeyay.

Dhanka kale West Ham war xun ayaa usoo yeearay madama Diafro Sakho uu sadex bilood garoomada ka maqnaan doono.

Mark Noble iyo James Collins ayaa dib ugu soo labanaya kooxda kadib ganaaxyo ay ku seegeen kulankii West Brom.

MA OGTAHAY?

Waxaa laga joogaa sideed sano markii ugu dambeysay oo ay West Ham ku badisay garoonka Old Trafford, waxeyna aheyd maalintii ugu dambeysay xili ciyaareedka 2006-2007, Tevez ayaana dhaliyay goolka guusha waqtigaas.

Kadib kulankaas West Ham ayaa badisay kaliya 2-jeer 17-kulan oo ay ciyaareen dhamaan tartamada oo dhan sidoo kalana 6-jeer ayey United badisay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Manchester United:

De Gea; Darmian, McNair, Smalling, Blind; Carrick, Schweinsteiger, Mata, Young; Depay, Martial

West Ham:

Adrian, Jenkinson, Reid, Ogbonna, Cresswell, Obiang, Kouyate, Noble, Lanzini, Moses, Carroll




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip