Siyaasiyiin uu horkacayo Maxamuud Sayid Aadan oo gaaray Kismaayo, si Axmed Madoobe ugala hadlan arrinta Gedo

0
Thursday September 10, 2015 - 14:52:48 in Wararka by
  • Visits: 1248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiin uu horkacayo Maxamuud Sayid Aadan oo gaaray Kismaayo, si Axmed Madoobe ugala hadlan arrinta Gedo

    Siyaasiyiin uu horkacaayay Maxamuud Siyad Aadan, ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Kismaayo. Siyaasiyiintan oo Garoonka laga galbiyay, ayaa loo kaxeeyay dhinaca Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiin uu horkacaayay Maxamuud Siyad Aadan, ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Kismaayo. Siyaasiyiintan oo Garoonka laga galbiyay, ayaa loo kaxeeyay dhinaca Madaxtooyada Kismaayo, si ay ugula kulmaan Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Wararka, ayaa intaa ku daraya in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan khilaafka Maamulka Jubbaland kala dhaxeeya Siyaasiyiinta Gobolka Gedo, waxayna ka wada shaqayn doonaan, sidii ay isugu soo dhawaan lahaayen.

Siyaasiyiinta reer Gedo, ayaa laga dhaadhiciyay inay u socdaalan Magaalada Kismaayo, isla-markaana ay kula kulmaan Madaxweynaha Jubbaland, si waxa ay tabanayan kaga wada hadlaan.

Sidoo kale Siyaasiyiintan oo ay ka maqan yihiin Maxamed Cabdi Kaliil oo weli ku adkaysanaya inuu yahay Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo Gudoomiyaha Degmada Garbahaarey, Imaan Caddow Kaarshe, ayaa waxaa la fillayaa inay Kismaayo kaga qaybgalaan caleemo saarka Madaxweyne Madoobe.

12-ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida, ayaa wuxuu qorshuhu yahay in Magaalada Kismaayo lagu caleemo saaro Axmed Madoobe, waxaana caleemo saarkiisa ka qaybgeli doono Masuuliyiin Dowladda Somaliya ka tirsan.

Siyaasiyiinta reer Gedo oo si weyn u saluugsan Maamulka Axmed Madoobe, ayaa waxay ku eedeeyan inuu ku qiyaameeyay shirkii ay ku yeesheen Degmada Doolow, bilowgii bishii hore ee August.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip