Farmaajo oo rajo ka muujiyay nooc cusub oo Doorasho ah in Somaliya ay ka dhacdo
Waxa uu sheegay in muhiimada ay tahay in Somaliya ay ka dhacdo doorasho ka duwan tii Odayaasha Dhaqanka ay ku soo xuleen Baarlamanka hada shaqeeya sanadkii 2012-ka, islamarkaana nooc cusub oo doorasho ah Somaliya ay ka dhacdo.
"Hada sida dadka inta badan ay xal u arkaan laga raadiyo xalka, waxaan aaminsahay Oday Dhaqameedyadii 135 ahaa ee 2012 soo xulay Xildhibaanada, waxaan u malaynayaa inaysan hada dhaceyn ee laga ballaarin doono, oo Qofka Xildhibaanka ah hadii lagu heshiiyo 4.5 ay soo dooran doonaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.” Ayuu yiri Farmaajo oo la hadlay Idaacada VOA.
Dowladda Somaliya ayaa horay u shaacisay inaysan suuragal aheyn in dalka Somaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse la raadinaayo nooca doorasho ee Somaliya ka dhaceyso.
Shirar kala duwan ayaa lagu qabtay Magaalooyinka waaweyn ee Maamul Goboledyada dalka, waxaana lagu raadinaayay shirarkaasi Fekradaha dadka Somaliyed ay ka qabaan doorashada Somaliya ka dhaceyso, waxaana la helay Fekrado kala duwan oo ku aadan qaabka doorashada ay u dhaceyso.
Sanadkii 2012-ka Bishii August ayeey aheyd markii Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay Madaxweynaha Somaliya, waxaana hada ka dhiman Waqtigaasi 9 bilood, iyadoo xilligaasi marka la gaaro la filaayo in dalka ay doorasho ka dhacdo.
Farmaajo oo rajo ka muujiyay nooc cusub oo Doorasho ah in Somaliya ay ka dhacdo
Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay rajada laga qabo in sanadka 2016-ka Somaliya ay ka dhacdo doorasho, waqtigaasi oo ku eeg Dowladda Xasan Sheekh uu hada hogaamiyo.