Saraakiisha Dowladda oo ka hadlay Duqeynta dhanka Cirka ah ee Shabaab Sh.hoose lagula beegsaday
Wuxuu sheegay inaysan hayn macluumaad faah-faahsan oo ku aadan Khasaaraha ciidamada Shabaabka ka soo gaaray Duqeyntaasi, hayeeshe weli ay ku guda jiraan Uruurinta Xogaha la xiriira Khasaaraha Shabaabka soo gaaray.
Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Xaaji Xuseen (Shiine) ayaa sheegay inay jirto Duqeyntaasi, islamarkaana lala beegsaday Shabaabka.
Laakiin waxa uu sheegay inaysan hayn faah-faahinta ku saabsan Khasaaraha rasmiga ah ee Shabaabka ka soo gaaray Duqeyntaasi lala eegtay.
Ilaa hada si cad looma oga dalka laga leeyahay Diyaarada fulisay Duqeyntaasi, ka sokoow Saraakiisha Gobolka Shabellaha hoose inay sheegayaan in Duqeynta ay fulisay Diyaarad Drone ah.
21-kii bishii November, ayay ahayd markii diyaarad Drone ah ay dhawr gantaal ku dhufatay xarun, uu Shabaabku ku leeyahay Deegaanka Beledul Amiin Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Saraakiisha Dowladda oo ka hadlay Duqeynta dhanka Cirka ah ee Shabaab Sh.hoose lagula beegsaday
Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay in la bartilmaameedsaday Saldhig Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Kuunya Barrow, oo dhacda duleedka Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose.