Uganda oo beenisay in ciidamo nool looga qabsaday Weerarkii Jannaale
Afhayeenka Ciidamada Uganda Paddy Ankunda ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo ka tirsan AMISOM oo nolol ay ku qabteen Al-Shabaab, kadib weerarkii Janaale ka dhacay 1-dii bishan September.
Paddy Ankunda ayaa ku gacan seyray sheegashada Al-Shabaab ee ah inay gacanta ku hayaan askar ka tirsan Ciidamada Uganda.
"Waa wax runta ka fog warka ay sheegeen Al-Shabaab ee ah in Ciidamo nool ay gacanta ku hayaan”ayuu yiri Paddy Ankunda oo la hadlayay warbaahinta ka howl gasha Uganda.
Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa sheegay in Saraakiisha AMISOM ee jooga Soomaaliya ay u cadeeyeen si kalsooni ah in ay u dhan yihiin askartooda.
Al-Shabaab ayaa maalintii Talaadadii sheegtay inay gacanta ku heyso askar ka tirsan kuwa Uganda oo ay ku qabteen weerarkii Janaale ee todobaad ka hor ku qaadeen xero ay degenaayeen Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda.
Uganda waxaa ka jooga Soomaaliya askarta ugu badan ee ka qeyb qaadanaya howlgalka AMISOM.

0 