Liverpool oo 6 gool kaga badisay Southampton

0
Thursday December 03, 2015 - 09:35:13 in Sports News by
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool oo 6 gool kaga badisay Southampton

    Ciyaaryahan Daniel Sturridge waxa uu muujiyay soo noqoshadiisa kooxda Liverpool asigoo ku billaabay inuu laba gool dhaliyo, sidoo kale ciyaaryahan Divock Origi uu seddax jeer shabaqa ruxay, taas oo macallim Jurgen Klopp uga dhigtay inuu ka adkaado ko

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahan Daniel Sturridge waxa uu muujiyay soo noqoshadiisa kooxda Liverpool asigoo ku billaabay inuu laba gool dhaliyo, sidoo kale ciyaaryahan Divock Origi uu seddax jeer shabaqa ruxay, taas oo macallim Jurgen Klopp uga dhigtay inuu ka adkaado kooxda Southampton si uu ugu gudbo ciyaarta Semi finalka ee League Cup ka UK, wuxuuna fooda dari doonaa Stoke City.
Image copyright AP
Image captionĀ 

Sadio Mane ayaa goolka keli ah ee Southampton ay dhalisay waxa uu dhaliyay daqiiqadoo ugu horeysay taas oo dhalisay inay kullanka hogaanka u qabtaan, laakiin Sturridge ayaa laba gool afar daqiiqo gudahood ku dhaliyay intii lagu guda jiray qeybtii koobaad taas oo Liverpool awood u siisay inay ciyaarta oo dhan ay hogaamiso.

Origi ayaa dhankiisa lugta ku dhuftay laad uu tuuray Alberto Moreno markii ay bilaabatay qeybtii labaad ee ciyaarta, seddax goo loo kale ayaana loo raaciyay, taasi oo Southampton uga dhigtay in si wanaagsan looga badiyo. Liverpool ayaa lix gool iyo hal kaga adkaatay Southampton.

Manchester City oo ciyaartii habeenkii Talaadada soo badisay ayaa waxa ay la ciyaari doontaa Everton.

Everton waxa ay u safri doontaan garoonka kooxda City ee Goodison Park lugta koobaad ee ciyaarta, halkan Stoke na ay gurigeeda ku marti qaadeyso Liverpool.

Kulamada hore waxa ay dhici doonaan 5 ito 6-da bisha January, halka lugta labaadna ay kulmidoonaan 26 iyo 27ka January ee sanadka soo socda.

Liverpool ayaa la ciyaari doonta Stoke




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip