
Al-Shabaab oo mar kale la wareegay deegaano ay faarujiyeen Ciidamada AMISOM
Deegaanka Golweyn ayaa u dhaxeeya deegaanada Buulo Mareer iyo Shalanbood, halka deegaanka Cambarey uu u dhaxeeyo Baraawe iyo Buulo Mareer.
Lama oga sababaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM uga baxeen deegaanadaas oo marin u ahaa sahayda ay u gudbistaan Baraawe iyo deegaanada kale ee ay horay u qabsadeen.
Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ay ka baxeen deegaanka Wabxo, waxaana la sheegayaa in halkaas ay gaareen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo wararkan ay yihiin kuwo horu dhac ah.
Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyay faarujiyay deegaano ay horay u qabsadeen oo ka tirsan Gobollada Bay, Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Galgaduud.
Xigasho:- Jowhar.com


0 



Al-Shabaab oo mar kale la wareegay deegaano ay faarujiyeen Ciidamada AMISOM
Xoogagga Al-Shabaab ayaa sii wada la wareegitaanka deegaanada ay faarujinayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo saaka ilaa shalay gelinkii dambe la wareegay deegaanada Golweyn iyo Cambareey oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Dadka d