Ahlu Sunna oo sheegtay in hubkii lagula dagaalamay Magaalada Caabudwaaq uu yahay midka Dowladda Somaliya

0
Thursday September 10, 2015 - 10:27:23 in Wararka by
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlu Sunna oo sheegtay in hubkii lagula dagaalamay Magaalada Caabudwaaq uu yahay midka Dowladda Somaliya

    Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe dalka Somaliya, ayaa waxa ay sheegeen hubkii lagula dagaalamay Magaalada Caabudwaaq inuu yahay hub ay leedahay Dowladda Federalka Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe dalka Somaliya, ayaa waxa ay sheegeen hubkii lagula dagaalamay Magaalada Caabudwaaq inuu yahay hub ay leedahay Dowladda Federalka Somaliya.         Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna Cali Baashi Faarax Cali, ayaa sheegay Dowladda inay leedahay hubka Caabudwaaq lagula dagaalamay, wuxuuna si gaar ah u sheegay hubka inay yihiin kuwii ciidanka Nabad Suggida Qaranka ay lahaayeen.

"Duulaan iyo werar ayaa lagu qaaday Magaalada Caabudwaaq, meelo kalena waxaa ka jira abaabul iyo dagaal, waxaan leenahay Dowladda Somalia shacabkaan hubkiina lagu laynaayo hala joojiyo waa hubkii ciidanka Nabad Suggida Qaranka oo la keenay Magaalada Cadaado, kadibna waxaa lagu soo duulay Caabudwaaq.” Ayuu yiri Cali Baashi.


Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna Gobolada Dhexe, wuxuu sheegay dhowr mar inay ka digeen abaabulka dagaal Dowladda Somaliya ay ka wado Gobolada Dhexe, wuxuuna tusaale u soo qaatay Dowladda Somaliya Saraakiil ciidan iyo hub inay geysay magaalada Cadaado, kuwaasi oo uu sheegay in laga qaaday Magaalada Muqdisho.

"Bishii hore waxaa dhacday inaan hada ka hor ka hadalnay iyadoo lagu soo daabulaayo diyaaradana lagu keenaayo, Mushaarkii Shaqaalaha Dowladda iyo Qarashkii dowladda iyadoo la isticmaalaayo meeshii Goboladan la kaalmeyn lahaa in colaad laga huriyo la adeegsanaayay, arintii ayaa bilaabatay colaadii ayaa bilaabatay Caabudwaaq ayaa la weeraray.” Ayuu warkiisa sii raaciyay Madaxweyne ku xigeenka Ahlu Sunna.

Cali Baashi Faarax, ayaa Dowladda Federalka Somaliya uga digay inay ka waantoowdo dagaalka ay ka wado Gobolada Dhexe, wuxuuna tilmaamay dadka ay Dowladda colaada ku abaabulayso inay yihiin dadkii la dagaalamay Shabaab oo uu u la jeedo Ahlu Sunna, wuxuuna isweydiiyay hadii Dowladda ay la dagaalantay Ahlu Sunna, Shabaab miyeey gacan siinaysaa.?

Dowladda Federalka Somaliya kama aysan jawaabin eedeyntaan kaga timid Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe.
XIGASHO:- DHACDO.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip