Suuqa Kala Iibsiga: Man United Oo Chelsea & Barcelona Kula Soo Biirtay Loolanka Ay Ugu Jiraan Saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang
Manchester United ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa gooldhaliyaha kooxda Borrusia Dortmund Aubameyang kaas oo 22-gool dhaliyay, 18-kulan oo uu kooxdiisa u saftay xagaagan.
Macalinkii hore Bayern
Munich ayaa dhowr jeer daawaday 26-jirkaan heerka caalami wuxuuna diyaar
u yahay inuu kasoo dajiyo Old Trafford marka uu furmo suuqa kala
iibaiga ciyaartoyda.
Xidigaan heerka caalami ee had iyo jeer shabaqa dariska la ah ayey kooxo dhowr ahi ku dagaalamayaa markaana kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford ayaa kusoo biirtay iyadoo dooneysa iney xidigaas kasoo kaxeyso Bundesliga.
Louis Van Gaal ayaa xidigaan Gabon u dhashay u arka xalka ugu fiican ee weerarka kooxdiisa inkastoo xidigaan lagu qiimeeyo aduun dhan 42 Malyan Oo Pound.
Dhanka kale Jurgen Klopp ayaa dhankiisa ka xiiseynaya xidigaan heerka caalami iyadoo kooxaha Barcelona iyo Chelsea ay yahiin kooxaha hogaaminaya tartanka xidigaan loogu jiro.