Warbixin: Atletico Madrid Oo Diyaar U Ah Iney Bixiso Qiimaha Lagu Burburin Karo Heshiiska Diego Costa
Kooxda Atletico Madrid ayaa diyaar u ah iney dib usoo ceshato weeraryahan Diego Costa kaas oo haatan mugdi la galinayo mustaqbalkiisa kooxda Blues.
Asal Brazil-ka qaatay
dhalshada Spain ayey macquul tahay inuu dib ugu soo laabto Vincent
Calderon marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda madama kooxda ka
dhisan caasimadda ay diyaar u tahay iney bixiso lacagaha 28-ka Malyan ah
ee lagu jabin karo heshiiska uu kooxda London ka dhisan kula joogo sida
ay shaacisay Mundo Deportivo.
Diego Costa ayaa xagaagan ku dhibtoonaya inuu shabaqa soo taabto waana xili ciyaareed aan u wanagsaneen madama uu kaliya 4-gool shabaqa dhex dhigay tan iyo bilowga xagaagan.
Dhanka kale xiriirkii kala dhaxeeyay macalinkiisa Jose Mourinho ayuu 27-jirkaan qalqal galiyay madama uu kulankii London Derby ee todobaadkaan uu garankiisa ku tuuray ninka reer Portugal xili uu ogaaday inuusan boos uga banaaneyn kulanka.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Diego Costa lala xiriiriyo inuu dib ugu laabanayo Chelsea, waana koox uu si toos ah ugu qarash gareyay afar sanadood ka hor inta uusan Chelsea imaan 2014.