Goolhaye Diego Lopez Oo Saxaafada La Wadaagay Mid Ka Mid Ah Riyooyinka Mario Balotelli Uu Jeclaan Lahaa Iney U Hirgalaan

0
Wednesday December 02, 2015 - 11:15:22 in Sports News by
  • Visits: 1016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goolhaye Diego Lopez Oo Saxaafada La Wadaagay Mid Ka Mid Ah Riyooyinka Mario Balotelli Uu Jeclaan Lahaa Iney U Hirgalaan

    Goolhayahii hore kooxda Real Madrid Diego Lopez ayaa shaaca ka qaaday sir u qarsaned Mario Balotelli isagoo saxaafada la wadaagay riyada ugu weyn ee xidigaan uu kubada cagta ka leeyahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goolhayahii hore kooxda Real Madrid Diego Lopez ayaa shaaca ka qaaday sir u qarsaned Mario Balotelli isagoo saxaafada la wadaagay riyada ugu weyn ee xidigaan uu kubada cagta ka leeyahay.

Mario ayaa haatan amaah ku jooga kooxda Milan isagoo kasoo hayaamay kooxda Liverpool ee ka dhisan horyaalka Ingiriiska, balse Lopez ayaa qiray in Mario Balotelli riyadiisa ugu weyn ee kubada cagta ay tahay inuu maalin uun xirto maaliyadda kooxda Real Madrid.

Lama oga sida uu xidigaan reer Talyaani u nooleyn karo mustaqbalkiisa sii dhimanaya balse xidigii hore Real Madrid ayaa sheegay in wiilkaan uu jeclaan lahaa mar uun inuu ku ciyaaro Santiago Bernabeu.

Balo
"Miyaad ogtahay waxa ay tahay? Riyadiisa waa inuu u ciyaaro Real Madrid” ayuu xidigaan u sheegay Marca Plus.

Si kasaba lama oga in xidigaan uu nasiibkiisa noqon doono inuu u ciyaaro Real Madrid maalin madama uu yahay wiil aan ku wanaagsaneen dhanka dhaqanka.

Ugu dambeyntiina Klopp ayaa ka dhawaajiyay horaantii imaatinkiisa inuu dib ugu soo celinayo Anfield Mario Balotelli.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip